Lisandro Matinez Oo Garoomada Ka Maqnaanaya Illaa Sannadka 2024


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waayi doonta xiddiga reer Argentina ee Lisandro Martinez illaa laga gaadhayo sannadka dambe ee 2024, kaddib markii la go’aamiyey in lagu sameeyo qalliin lugta ah.

Martinez ayaa la go’aamiyey in qalliin labaad lagaga sameeyo lugta hoose oo hore looga qalay markii uu ku dhaawacmay ciyartii wareegga siddeeda Europa League ee lugtii hore ee Sevilla, taas oo ma hore qalliin lagaga sameeyey laakiin uu mar kale ka dareemayo xanuun.

Difaaca reer Argentina oo qalliinkaas hore kaga maqnaa qaybtii dambe ee xilli-ciyaareedkii hore, ayaa ay kooxdiisa Manchester United ku dhawaaqday in ay lagama maarmaan tahay in lagu sameeyo qalliin kale oo uu gelayo maanta oo Isniin ah.

Wargeyska Daily Mail ayaa qiyaasay in muddo saddex bilood ah uu garoomada ka maqnaan doono Lisandro Martinez, taas oo ka dhigan in aanu mar dambe ciyaari doonin bilaha ka hadhsan sannadkan aynu ku jirno ee 2023.

Lisandro Martinez oo dhaawac kaga baxay ciyaartii Arsenal ay 3-1 ku karbaashtay Manchester United ka hor intii aan loo bixin fasaxa kulamada caalamiga ah horraanta bishii September, ayaa waxa kale oo uu ka maqnaa guul-darrooyinkii qadhaadhaa ee Brighton, Bayern Munich iyo Crystal Palace, iyo labadii kulan ee ay libinta gaadheen ee Burnley iyo Crystal Palace oo Carabao Cup ah.

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa u muuqata in ay ka raagtay go’aanka qalliinka oo ay muddo bil ah iska lumisay, waxaanay ahayd in ay hore dhakhaatiirtu u qaataan go’aanka si muddadaas bisha ah ay qayb uga noqoto soo kabashadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*