Taageerayaasha Man United Oo Ka Careysan In Garoonkooda Uu Biyo Soo Deynayo Oo Burbur uu Ku Dhow Yahay


Taageerayaasha Manchester United ayaa ku weeraray qoyska iska leh kooxda ee Glazers inay dayaceen garoonka Old Trafford ka dib markii si weyn baraha bulshada loogu wadaagay muuqaal muujinaya saqafka sarre ee garoonka Old Trafford oo biyo soo deynaya.

Jug culus ayaa soo gaartay Shayaadiinta Cas Cas mar kale ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Crystal Palace shalay.

Laakiin waxaa taas u sii dheereyd in xaalada xun ee uu ku jiro garoonka Old Trafford inay soo muuqatay shalay.

Sababtoo ah roob xoogan oo ka da’ ayay Manchester ayaa keentay in qaar ka mid ah taageerayaasha garoonka ay qoyaan inkastoo ay ku hoos jireen saqfka garoonka.

Taageerayaasha ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalo muujinaya garoonka oo biyo soo deynaya, waxayna dalbadeen in qoyska Glazers ay maalgashi ku sameeyaan garoonka oo la dayactiro.

Kyle Hall oo ahaa taageerihii duubay muuqaalka saqafka garoonka Old Trafford oo biyo soo deynaya ayaa Twitter ku soo qoray:

“Maalin qoyan ayay aheyd Old Trafford. Qoyska Glazers waxay u baahan yihiin inay maalgeliyaan inay sameeyaan saqafka sarre ee garoonka.”

Taageerayaal badan ayaa iyagana soo bandhigay sawiro iyo muqaalo kale oo garoonka oo biyo soo deynaya, waxayna ugu baaqeen milkiilayaasha inay dayactireen garoonka sii dumaya haddii aysan dooneynin inay kooxda iibiyaan.

Taageere kale ayaa yiri: “Waa fadeexad arintaan… Glazers waxay kooxdeena u isticmaalayaan sida banki oo kale, laakiin wax lacag ah kuma bixinayaan inay dayactiraan garoonka.”

Mid kale ayaa yiri: “Tani waa sharafdhac ah.”

Mid seddexaad ayaa yiri: “Waa ceeb weyn! Waxaana nala leeyahay kooxdeena waxaa lagu qiimeeyaan dhowr bilyan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*