Ciyaarta Tottenham Iyo Liverpool Oo Dib Loo Ciyaari Lahaa Haddii Garsooraha Uu Sixi Lahaa Qaladkiisa Markii Loo Sheegay


Garsoore Simon Hooper ayaa loo sheegay in goolkii Luis Diaz uu ka dhaliyay Spurs ay ahayd in la ogolaado.

Laakiin garsooraha VAR Darren England ayaa ka daahay inuu taas u sheego garsooraha taasoo sababtay in laga laaban waayo go’aankii offside-ka ee gool looga diiday.

Garsooraha VAR Darren England ayaa u sheegay garsooraha dhexe Simon Harper inay qalad sameeyeen oo goolka uu sax ahaa ka dib markii Tottenham ay tuuratay laadkii xorta ee offside-kii loo dhigay.

Haddii waqtigaas uu garsooraha dhexe joojin lahaa ciyaarta islamarkaana uu ansixin lahaa goolka waxay sababi laheyd inay qasab noqoto in ciyaarta lagu celiyo.

Sida uu qabo sharciga kubada cagta ee VAR garsooraha kama laaban karo go’aan offside ama gool haddii ciyaarta ay dib u bilaabato.

Haddii ay taasi dhici laheyd waxay noqon laheyd in lagu xadgudbay sharciga kubada cagta, waxayna sababi laheyd in Tottenham ay cabasho gudbiso islamarkaana ku qasabto FA-ga in ciyaarta dib loogu celiyo.

Laakiin taageerayaasha Liverpool ayaa ku doodaya in Manchester United labo xilli ciyaareed ka hor loo dhigay rigoore xilli ciyaarta ay dhamaatay. Laakiin VAR ayaa waqtigaas ogaatay in kubad gacanta lagu taabtay taasoo keentay in ciyaarta dib loo bilaabo oo rigoore loo dhigo United madaama aysan jirin ciyaar dib u bilaabatay qaladkaas ka dib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*