Saxiixii Cusbaa Ee Man United Oo Dusha Laga Saaray Guuldaradii Shalay Ee Crystal Palace


Erik ten Hag ayaa si weyn uga xumaaday qaabkii ay kubada u difaacdeen kooxdiisa Manchester United kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Crystal Palace, wuxuuna tilmaamay in guuldarada uu sabab u ahaa Sofyan Amrabat oo laad xor ah oo aan loo baahneyn siiyay Palace.

United ayaa la kulantay guuldaradii afraad todobadii kulan ee ay ciyaartay horyaalka, taas oo u dhiganta bilowgeedii ugu xumayd abid ee xilli ciyaareedka Premier League.

Kooxda martida loo ahaa ayaa daqiiqadii 25-aad dhalisay goolka guusha iyada oo uu u dhaliyay Joachim Andersen.

Amrabat, oo lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka islamarkaana laga ciyaarsiiyay booska daafaca bidix oo ay ka maqnaayeen xiddigihii booskaas loogu talogalay ayaa qalad aan loo meel dayin ku galay Jordan Ayew iyadoo laadkii xorta ahaa ee laga dhigay ay sababtay goolka guusha.

Amrabat uma baahneyn inuu qalad ku galo Ayew madama xiddiga Crystal Palace uusan halis ku aheyn waqtigaas goolka Man United.

“Marka ugu horeysa, laadka xorta ah aan ka hadalno, waxaan u baahanahay inaan koontarool badan sameyno” ayuu Ten Hag u sheegay Sky Sports.

“Halkii uu qaladka ku galay ma aheyn meel qalad lagu galo madaama aad kubada u soo jiideyso xerada ganaaxa. Si fiicana uma difaacanin laadka xorta ahaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*