Taageerayaasha Man United Oo Ku Kacay Marcus Rashford Ka Dib Arin Uu Sameeyay Ka Hor Kulankii Shalay


Taageerayaasha Manchester United ayaa ku cambaareeyay Marcus Rashford sida uu u la dhaqmay Casemiro ka hor intii ayna bilaabanin ciyaartii ay guuldarrada 1-0 ka soo gaartay Crystal Palace.

United ayaa laga badiyay afar ka mid ah todobadii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka Premier League iyagoo shalay guuldarro 1-0 kala kulmay kooxda tababare Roy Hodgson kaasoo noqday tababarihii ugu horeeyay ee aan laga badinin shan kulan oo isku xigat oo Premier League ah oo uu ku ciyaaray Old Trafford.

Taageerayaasha Man United oo ka careysan natiijada ayaa sidoo kale ka carooday wixii uu sameeyay Rashford ka hor bilowgii ciyaarta.

Xiddiga Ingariiska ayaa markii ay ciyaarta ka soo baxeen qolka labiska ee ay soo galayeen garoonka, wuxuu u sheegay xiddiga waayo araga ah Casemiro inuu ka hormaro si uu u noqdo xiddiga ugu danbeeya ee garoonka soo gala taasoo ay inta badan sameeyaan xiddigaha waa weyn ee isku arka inay yihiin astaanta kooxda.

Taageerayaasha ayaana ku tilmaamay taas xushmad darro iyo weliba in Rashford uu isku heysto wax uusan aheyn.

Taageere ayaa ku soo qoray barta bulshada ee X: “Inaad iska soo hormariso xiddig shan jeer ku guuleystay Champions League si aad u dareento inaad tahay astaanta kooxda waa xushmad darro. Waxaa xusuusin in mudan in ninkaan uu yahay mid aan boos ka geli karin Foden iyo Saka marka xulka la joogo. Wuxuu ismoodaa Cristiano Ronaldo laakiin awoodiisa kubadeed waa Gabby Agbonlahor.”

Mid kale ayaa yiri: “Waa wax laga yaaqyaaqsado.” halka mid seddexaad uu soo qoray: “Wuxuu sugayaa inuu noqdo midka ugu danbeeya ee garoonka soo gala sida inuu ku guuleystay Ballon d’Or.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*