Liverpool Oo Ganaax La Duldhigayo Inkastoo Laga Raaligeliyay Goolkii Saxda Ahaa Ee Laga Diiday Shalay


Liverpool ayaa laga yaabaa inay wajahdo ganaax adag ka dib guuldaradii muranka dhalisay ee shalay ka soo gaartay Tottenham inkastoo xiriirka garsoorayaasha Premier League ay raaligeliyeen Reds.

Kooxda Jurgen Klopp, oo ciyaarta ku dhameysatay sagaal ciyaaryahan, ayaa waqtigii dhimashada la kulantay guuldarro xanuun badan markii Joel Matip uu gool iska dhaliyay, taasoo ka dhigtay inay Spurs ku badiso 2-1.

PGMOL oo ah xiriirka garsoorayaasha Premier League ayaa qirtay in Liverpool gool sax ahaa looga diiday offside islamarkaana VAR ay ka jiifatay inay qaladka calanwadaha saxdo.

Madaxa PGMOL Howard Webb ayaa xiriir la sameeyay kooxda Liverpool isagoo ka raaligeliyay qaladkii garsoore ee shalay dhacay ee sababay guuldaradooda.

Inkasta oo ay taageerayaasha Liverpool aaminsan yihiin inay mudan yihiin wax ka badan raali-gelin, haddana waxa laga yaabaa in Liverpool ay wajahdo ganaax lacageed ka dib markii ay casaan qaateen Curtis Jones iyo Diogo Jota.

Sababtoo ah Alexis Mac Allister, Mohamed Salah, Andy Robertson, iyo Virgil van Dijk ayaa sidoo kale iyagana kaarka hurdiga ah la siiyay si la mid ah tababare ku xigeenka kooxda Peter Krawietz. Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaana ciqaaba kooxdii qaatada in ka badan shan jaale hal kulan gudahiis iyadoo Reds ay haatan wajaheyso ganaax lacageed.

Lacag dhan £25,000 ayaa ah lacagta lagu ganaaxayo koox kasta oo uruursata lix kaar ama ka badan hal kulan gudahiis taasoo lamicno ah in Liverpool lacagtaas laga dhalaalinayo.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku xiran tahay haddii FA-ga ay qaadi doonaan talaabadaas iyo haddii kale, madaama ay ogsoon yihiin in Liverpool lagu gardarooday kulankii shalay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*