Shan Ciyaarood Oo Muhiim Ah Oo Uu Raphinha Kaga Maqnaanayo Barcelona Xilli Ay Dhaawacan Yihiin Pedri & De Jong


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijiyey, in garabka midig ee weerarka Brazil ee Raphinha uu muruqa kasoo gaadhay dhaawac intii ay socotay qaybta hore ee ciyaartii Sevilla ee Jimcihii, isla markaana uu muddo ka maqnaan doono garoomada.

Raphinha oo Barcelona ay sannadkii hore kasoo iibsatay Leeds United ayaa kusoo bilowday khadka dhexe balse waxa uu baxay 37 daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay iyadoo booskiisana uu yimid Fermin Lopez oo bandhig heersare ah sameeyey.

Waxay ahayd ciyaartii saddexaad ee horyaalka LaLiga ee uu Raphinha ugu soo bilowdo Barcelona xilli-ciyaareedkan, isaga oo kulankii Real Mallorca dhaliyey gool, mid kalena caawiyey.

War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona ayaa lagu sheegay in Raphinha uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa dambe ee bowdada, isla markaana ay dhakhaatiirtu ka daawanayaan.

Kaddib warbixinta Barcelona, Raphinha ayaa la qiyaasay muddada uu garoomada ka maqnaanayo iyo ciyaaraha uu seegayo intaba, waxaana waqtiga lagu qiyaasay illaa afar usbuuc ama bil.

Ciyaarta ugu horreysa ee uu ka maqan yahay ayaa noqon doonta FC Porto oo ay toddobaadkan wada ciyaarayaan Champions League halka Granada oo usbuuca dambe sugaysa ay noqonayso kulanka labaad ee uu ka maqnaanayo, ka hor inta aan loo bixin fasaxa kulamada caalamiga ah.

Waxa kale oo la sheegay in Rapphinha aanu qayb ka noqon doonin kulamada Athletic Bilbao iyo Shakhtar Donetski ee bishan October, sidoo kalena uu shaki weyn ku jiro kulanka El Clasico ee Real Madrid, taas oo sidoo kalena shaki uu ku jiro in Frenkie de Jong uu taam u noqon doono, hase yeeshee Pedri ayaa la filayaa in uu usoo laabto Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*