Luka Modric Oo Kursiga Kaydka Loogu Diiwaangeliyey Rikoodh Cajiib Ah


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka jabiyey Luka Modric rikoodh soo taxnaa 11kii sannadood ee ugu dambeeyey ee uu laacibkani tiir-dhexaadka u ahaa Real Madrid, kaddib markii uu kursiga kaydka dhigay ciayartii Girona ee Sabtidii.

Luka Modric ayaa loo muujiyey in uu hawlgab kusii dhow yahay, inkasta oo wali tayadiisa iyo tamartiisuba sarreeyaan, waxaana dood abuurtay sababtii uu kursiga kaydka u dhigay Ancelotti ciyaartii Girona.

38 jirkan oo sannadkii 2012 ay Real Madrid kasoo iibsatay Tottenham Hotspur ayaa waxa uu Carlo Ancelotti ka doorbiday Aurelien Tchouameni, Fede Valverde iyo Toni Kroos kulankii Girona, iyadoo difaaca bidixna uu ka ciyaaray Eduardo Camavinga xilli ay taam ahaayeen oo ay garoonka joogeen Ferland Mendy iyo Garcia.

Modric ayay u ahayd ciyaartii labaad oo xidhiidh ah ee la fadhiisiyo isaga oo taam ah, waxaana uga horreysay ciyaartii Las Palmas ee Arbacadii oo uu kursiga kaydka ku jiray.

Sida uu qoray wargeyska AS, Luka Modric ayay u ahayd markii ugu horreysay ee muddo 11 sannadood ah la fadhiiyo laba ciyaarood oo isku xiga isaga oo taam ah, waana arrin aan ku dhicin tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray Tottenham.

Wargeyska AS waxa uu sheegay in arrintani muujinayso in Luka Modric uu ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyey Real Madrid oo uu Carlo Ancelotti iskusii dubba-ridayo xiddigaha sida buuxda booskaas uga wada ciyaaraya sannadaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*