Crystal Palace Oo Waqtigii Dhimashada Ku Dhegtay Man City, Newcastle Oo Burburisay Fulham, Ciyaartii La Joojiyey Iyo Wixii Ka Dhacay Horyaalka Premier League


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xajisan kari weyday guul 2-0 ah oo gacanteeda ku jirtay, waxaanay u ogolaatay Crystal Palace in ay dhibcaha ku qaybsadaan barbarro 2-2 ah kulan waqti dambe ay duntay kooxda tababare Pep Guardiola oo ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Manchester City oo luminaysa tayadii lagu ogaa, isla markaana shantii ciyaarood ee hore lumisay sagaal dhibcood, ayaa waxa mar kale ay iska khasaarisay laba dhibcood oo kale, taas oo ka dhigan in lix ciyaarood ay ku weyday 11 dhibcood oo horyaalka Premier League ah.

City ayaa garoonkeeda ku qaabbisay Crystal Palace oo uu waqtigu ku adag yahay, waxaana qaybtii horeba hoggaanka u dhiibay Jack Grealish oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Phil Foden halka markii lagu soo noqday qaybta labaadna uu hoggaanka usii dheereeyey Rico Lewis.

Laakiin farxaddani ma aanay sii soconin, waxaana diiday inuu is-dhiibo tababare Roy Hogdson oo ciyaarta kusoo galay shax ay ku maadsadeen taageereyaashu, waxaanay kooxdiisu awoodday inay iska soo beddo labada gool ee lagala hormaray.

Daqiiqaddii 76aad ayaa kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Jeffrey Schlupp oo uu lugta la waayey Nathan Ake waxa lugta geliyey Mateta oo ciyaarta ka dhigay 2-1, waxaana uu goolkani si dhab ah usoo nooleeyey Crystal Palace oo sii kordhisay weerarkeeda.

Man City ayaa heshay fursad ay ku dili karaysay Palace, balse daqiiqaddii 94aad ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa rikoodhe loo dhigay Crystal Palace, kaas oo uu si xarrago leh u dhamaystiray Michael Olise oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Natiijadan qalbi-jabka ku ah Manchester City ayaa waxa ay ka dhigan tahay in kooxda tababare Pep Guardiola ay ku negaatay kaalinta afraad oo ay iska lumisay fursad ay kusoo cidhiidhsan lahayd booska saddexaad.

Dhinaca kale, Newcastle United ayaa 3-0 ku burburisay 10 ciyaartoy oo Fulham ah oo marti ugu ahaa garoonka St James’ Park, halkaas oo waqti horeba casaan toos ah lagaga saaray Jimenez oo xabbadka ka laaday ciyaartoy kale.

Saddex gool oo qaybtii labaad ay kala dhaliyeen Miley, Almiron iyo Burn ayaa Newcastle United siiyey guul ay u qalmayeen oo ay kusoo galeen kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League oo ay kala baxeen Manchester United.

Murugadii dhacday caawa

Waxa la kansalay ciyaar u dhaxaysay kooxaha Bournemouth iyo Luton Town xilli ay maraysay daqiiqaddii 65aad, markaas oo uu dhulka ku dhacay kabtanka Luton Town ee Tom Lockyer oo miyir beelay, kaddib daqiiqado garoonka dhaxdiisa lagula tacaalayayna loola cararay cusbitaalka.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Vitality Stadium, ayaa ciyaartoydu ay muddo sugayeen xaaladda ciyaartan, balse waxa markii dambe la go’aamiyey in ciyaarta lagu kaal dareero oo lagu joojiyo daqiiqaddii 65aad, waxaana mar kale la ciyaari doonaa kulankan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*