Palmer Iyo Jackson Oo Dib Usoo Nooleeyey Chelsea Oo Guul-darrooyin Xidhiidh Ahaa Kasoo Noqotay


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kusoo laabatay tubta guusha kaddib laba khasaare oo waaweynaa oo ay kasoo hoygay labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka Premier League oo ay soo garaaceen Manchester United iyo Everton.

Chelsea oo garoonkeeda ku qaabbishay naadiga ugu hooseeya horyaalka Premier League ee Sheffield United ayaa waxay heshay saddex dhibcood oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen ciyaartoyda niyad-jabku daashaday.

Laba gool oo ay qaybtii labaad kala dhaliyeen Nicolas Jackson iyo Cole Palmer ayaa Chelsea siiyey guushan oo u suurtogelisay in ay yimaaddaan kaalinta tobnaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.

Ciyaartan oo uu kursiga kaydka ku dhamaystay Christopher Nkunku oo kusoo laabtay kooxda kaddib dhaawac uu muddo dheer u jiifay, ayay qaybtii hore Chelsea soo bandhigtay awood ciyaareed oo u muuqanaysay in aan la joojin karaynin, waxaana ku dhowaaday inay shabaqa soo taabtaan Cole Palmer, Jackson iyo Sterlin.

Daqiiqaddii 54aad ayay Chelsea qabatay hoggaanka ciyaata oo uu goolka koowaad u dhaliyey Cole Palmer oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Raheem Sterling oo karoos hoose ka keenay dhinaca midig, waxaana uu goolkani noqday midkii lixaad ee uu Palmer ka dhaliyo horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Goolkan oo laga soo hubiyey VAR ayaa la fasaxay kaddib markii la xaqiijiyey in Jackson oo looga shakisanaa offside uu la sinnaa difaacyahannada Sheffield United.

Dhamaadka ciyaarta oo ay sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Chelsea keentay goolka labaad oo uu u dhaliyey Jackson oo ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu baas dahabi ahaa xerada ganaaxa ugu dhiibay Palmer.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay soo gashay kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta waxaanay ku haysataa 22 dhibcood, iyadoo 15 dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka haysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*