Real Madrid Oo Dhabarka U Jeedisay Luka Modric Iyo Bahdilaadda Uu Kaga Tegayo Spain


Xiddiga reer Croatia ee Luka Modric ayaa ka tegi doona kooxdiisa Real Madrid marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, isaga oo waliba aan ku faraxsanayn sida ay Los Blancos ula dhaqmayso oo ka niyad-jabsan.

Real Madrid ayaa la sheegay in ay dhabarka u jeedisay ruug-caddaageeda oo ay diidday inay qandaraas cusub oo uu kusii joogo Santiago Bernabeu ay siiso, taasina keenayso in laacibkani uu ka guuro dalkaas oo uu raadsado kooxo kale oo uu u ciyaaro.

Modric oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay bisha Janue ee dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu soo afjari doonaa muddo 12 sannadood ah oo uu ka ciyaarayay Santiago Bernabeu, waxaana uu haystaa dookhyo kala duwan oo miiskiisa saaran oo ah dalabyo uga yimid kooxo dhawr ah oo uu kala dooranayo.

Carlo Ancelotti ayaa la sheegay in uu dorobidayo in uu sii xajisto Toni Kroos oo 33 jir ah, kaas oo khadka dhexe ay ku wehelinayaan Eduardo Camavinga, Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni, taasina keenayso in Modric uu ka tago Los Blancos.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in dhawr kooxood oo horyaalka waddanka Sucuudiga ah ay lasoo xidhiidheen Luka Modric oo ay doonayaan in ay la saxeexdaan, kuwaas oo xagaagii tegay isku dayay inay ka qafaashaan Los Blancos balse uu isagu go’aansaday inuu kusii negaado kooxdan.

38 jirkan oo sannadkii 2012 ay Real Madrid kasoo iibsatay Tottenham ayaa u saftay 506 ciyaarood oo uu u dhaliyey 37 gool iyo 79 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaanu kula guuleystay Madrid saddex horyaal oo LaLiga ah, laba Copa del Rey, shan Champions League iyo koobab kale oo maxalli ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*