Maxaa Ku Dhacay Manchester City Ee Waqtiga Dambe Dumiyey?


Gool rikoodhe ahaa oo daqiiqaddii 95aad uu ka dhaliyey Michael Olise ayaa sababay in Manchester City ay lumiso guul gacanteeda ku jirtay oo ay barbarro 2-2 ah la gasho Crystal Palace, taas oo ka dhigan in City ay ciyaartii saddexaad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah ay barbarro ku gasho garoonkeeda.

Olise ayaa dhinaca qaldan u diray Ederson oo si xarrago leh u dhaliyey goolka daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah, kaddib markii uu Phil Foden qalad ku galay Jean-Philippe Mateta, waxaanay sidaas kaga dafireen guushii ugu horreysay ee ay City ku gaadhi lahayd hoygeeda tan iyo November 4.

Jack Grealish iyo da’yarka Lewis ayaa Manchester City hoggaanka u dhiibay, waxaase ka daba yimid Michael Olise iyo Mateta, iyadoo dhamaadkiina uu nasiibku la baxsaday City oo ay ku dhowaatay in gool kale laga dhaliyo.

Maxaa ka khaldamay Manchester City

Erling Haaland oo dhaawac ku maqnaa ayaa noqonaya marmarsiiya ugu weyn, laakiin Doku oo garabka bidix ka baxay oo dhaawac ah ayaa isagana si weyn loo tebay.

Nathan Ake ayaa canaanta ugu badan la saaray kulanka maanta ee ay barbarraha la galeen Crystal Palace, sababtoo ah waxa uu difaaci waayey goolka koowaad oo ay kubaddu soo dhaaftay lugihiisa ka hor intii aanu Mateta ku qabanin goolka. Waxa uu ahaa ciyaartoyga ugu liitay Man City.

Kala-daadsanaan khadka dhexe ah iyo difaaca oo lumiyey tayadii lagu yaqaanay ayaa sidoo kale caqabad ku noqday Pep Guardiola oo lix dhibcood ka dambayn karta Liverpool haddii ay berri ka adkaato Man United.

Xiddigii garoonka

Jean-Philippe Mateta oo dhaliyey goolka koowaad ee Crystal Palace, sidoo kalena lagu galay rikoodhaha uu goolka u beddelay Olise ayaa noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa garoonka, mana jirin laacib ka fiicnaa marak la isku daro ciyaartoydii kusoo bilaabatay iyo kuwii beddelka kusoo galay intaba.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Man City: Ederson (6), Walker (7), Dias (6), Ake (5), Gvardiol (6), Lewis (7), Rodri (7), Silva (7), Foden (6), Grealish (7), Alvarez (6).

Beddelka: Stones (n/a).

Crystal Palace: Henderson (7), Clyne (7), Ward (6), Andersen (6), Guehi (7), Mitchell (6), Olise (7), Richards (6), Riedewald (5), Schlupp (7), Mateta (8).

Beddelka: Ozoh (7), Ahamada, Franca, Eze (n/a).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*