DEG-DEG: Christopher Nkunku Oo Kasoo Muuqanaya Ciyaartiisii Ugu Horreysay Ee Premier League


Sugitaan dheer kaddib, xiddiga reer France ee Christopher Nkunku ayaa kasoo muuqanaya ciyaartiisii koowaad ee horyaalka Premier League waxaana lagu soo daray liiska xiddigaha Chelsea ee kulanka Sheffield United oo uu kaydka kusoo bilowday.

Nkunku oo ay Chelsea kasoo iibsatay RB Leipzig ayaa ku dhaawacmay ciyaarihii xagaagii oo uu jilibka wax ka noqday, waxaana muddo dheer oo uu maqnaa kaddib ay Blues kusoo bilowday kursiga kaydka, waxaana uu rajaynayaa in uu beddel kusoo galo qaybta dambe ee ciyaarta.

Christopher Nkunku ayaa ay kursiga kaydka wada fadhiyaan Enzo Fernandez, waxaana taam ahaanshihiisa hore u xaqiijiyey tababare Mauricio Pochettino.

Weerarka Chelsea ayay kusoo wada bilowdeen Nicolas Jackson, Mykhailo Mudryk iyo Raheem Sterling, halka Conor Galalgher, Cole Palmer iyo Moises Caicedo ay iyaguna ka ciyaarayaan dhaxda.

Difaaca waxa Thiago Silva iyo Badiashile ku wehelinaya Colwill iyo Diasi maadaama ay dhaawacyo ku maqan yihiin Reece Jamed, Marc Cucueralla iyo Ben Chilwell.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Chelsea XI: Petrovic, Disasi, Thiago Silva, Badiashile, Colwill, Caicedo, Gallagher, Sterling, Palmer, Mudryk, Jackson

Kaydka: Fernandez, Bettinelli, Nkunku, Broja, Gusto, Maatsen, Gilchrist, Bergstrom, Matos

Sheffield United: Foderingham, Bogle, Ahmedhodzic, Trusty, Lowe, Vinicius Souza, McAtee, Hamer, Brooks, Archer, McBurnie

Kaydka: Adam Davies, Baldock, Traore, Thomas, Norwood, Osborn, Ben Slimane, Larouci, Osula

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*