Liverpool Oo Loo Sheegay Qiimaha Xiddiga Lagu Naanayso ‘Van Dijk-ka Cusub’


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu xidhay inay bixiso €50 milyan oo Gini si ay ula saxeexato wiilka dahabiga ah ee lagu naanayso New Van Dijk ee Leny Yoro oo u ciyaara kooxda Lille ee horyaalka waddanka Faransiiska, kaas oo tababare Jurgen Klopp uu indhaha ku hayay usbuucyadii u dambeeyey.

Liverpool oo uu ka dhaawacmay Joel Matip oo xilli-ciyaareedka macasalaameeyey, ayaa waxa ay raadinaysaa difaac dhexe oo tayadiisu sarrayso oo ka garab ciyaara Van Dijk, isla markaana dhaawacyadiisu yar yihiin maadaama ay ka niyad-jabsan yihiin Ibrahima Konate oo noqday dhaawac u-joog.

Qorshaha kooxda ayaa sidoo kale ah in difaaca ay la saxeexanayaan uu noqon karo beddelka Van Dijk ee mustaqbalka, iyadoo ruug-caddaaga reer Netherlands ay hadda da’diisu tahay 32 jir oo uu sii weynaanayo.

Yoro oo 18 jir ah oo u ciyaara Lille oo ka mid noqday ciyaartoyda bandhigga heerka sare ah ka samaynaysa horyaalka Ligue 1 ayaa 35 ciyaarood u saftay kooxda koowaad ee Lille, waxaana uu kalsooni badan ka helay tababare Paulo Fonseca oo boos joogto ah siiyey.

Difaacan da’da yar oo dhererkiisu ku dhow yahay Van Dijk, ayaa si ay Liverpool ula saxeexato waxa lagu xidhay €50 milyan oo Euro oo ay tahay inay bixiyaan, haddii kalena ay iska illoobaan.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Jurgen Klopp oo difaacyada dhexe ee uu haysto ay yihiin Virgil van Dijk, Ibrahima Konate, Joe Gomez iyo Jarell Quansah ayaa waxa kale oo uu doonayaa in uu safkiisa kusoo kordhiyo Yoro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*