Marcus Rashford Oo Matagga Joojin La’ Saacado Ka Hor Ciyaarta Liverpool


Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Marcus Rashford ayaa xanuunsanaya oo aan wali kasoo kabanin fayras dhinaca caloosha ah oo ku dhacay, waxaana la sheegay in uu illaa hadda matagga joojin la’yahay oo aanu taam ahayn iyadoo saacado kooban ka hadhsan yihiin ciyaarta adag ee Liverpool.

Xiddiga reer England ayaa ka maqnaaday kulankii Bayern Munich ee Arbacadii, waxaana ku dhacay xanuunka loo yaqaano Norovirus, hase yeeshee tababare Erik ten Hag ayaa shalay saxaafadda u sheegay in uu rajaynayo in uu laacibkani taam noqdo.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Marcus Rashford ayaa illaa hadda xanuunsanaya oo matagga aan joojin, balse waxa uu dib ugu soo laabtay tababarkii Jimcaha maanta isaga oo aan si buuxda taam u ahayn.

Sawirro laga qaaday laacibkan ayaa laga arkayaa in uu ka muuqdo xanuunku, waxaana la eegi doonaa sida ay xaaladdiisu noqoto maanta ee uu u awoodo in uu tababarka ula qaato ciyaartoyda kooxdiisa, iyadoo dhakhaatiirta Man United ay hadda xaqiijiyeen in caabuqa caloosha ee laacibkan uu soo haraaday oo uu awoodi karayo inuu ciyaaro.

Sida lagu sheegay website-ka waaxda caafimaadka UK ee NHS, calaamadaha fayraska Norovirus ayaa waxa ku jira calool-xanuun (xundhur), yalaalugo, matag, xummad badan, madax xanuun iyo xubnaha jidhka oo garaacaya qofka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*