Real Madrid Oo Abaabulaysa Kacdoon Cusub Oo Ka Dhasha Yurub Oo Ay Ku Helayso €1 Bilyan Oo Euro


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heli doonta lacag ka badan €1 bilyan oo Euro haddii ay ku guuleysato dacwad maxkamadeed oo go’aankeeda la gaadhi doonto 21ka bishan December, kaas oo dib boodhka loogaga jafayo mashruucii ciyaareed ee hakadka galay ee Super League.

Maxkamadda High European Court ayaa maalinta Khamiista ee toddobaadka dambe ee December 21, waxa ay go’aan kasoo saari doontaa hindsihii mucaaraddada badan la kulmay ee samaynta tartanka Super League oo ay hormood u ahaayeen kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus.

Tartankan oo ay maalgelinayaan bangiyo ku yaalla waddanka Maraykanka, ayaa waxa bilowgiisa ay maalgeliyayaashu siinayaan kooxaha lacag dhan €15 bilyan oo Euro, iyadoo 15% lacagtaas ay bangiyadani u hayn doonaan in ay a baal-marin uga dhigaan naadiyada ku dhegay tartanka ee dabada ka riixaya illaa hadda in la hirgeliyo, waana Barcelona iyo Real Madrid.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegaysa, in go’aanka maxkamaddu uu soo bixi doono abbaaro 9.30pm waqtiga Spain e maalinta ay taariikhdu tahay December 21, waxaana wadnaha farta ku haya xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo haddii ay maxkamaddu ogolaato tartankan ay naadiyada waaweyn ee Yurub awoodi doonaan inay hirgeliyaan tartanka Super League oo wiiqi doona xiisihii loo hayay Champions League.

Warka ayaa intaa ku daray, in maxkamaddu ay UEFA u sheegi doonto in aanay ahayn cidda kaliya ee abaabuli karta ama samayn karta tartan, isla markaana ay kooxuhu awood iyo xuquuq sharci u leeyihiin inay tartan abaabushaan amaba samaystaan.

14 kooxood oo waaweyn oo reer Yurub ah ayaa hore u saxeexay heshiiska samaynta tartanka Super League oo waliba heshiiskaasi uu mamnuucayo inay ka baxaan, inkasta oo markii ay mucaaradadda taageereyaasha ku abaabuleen UEFA iyo horyaallada Yurub ay 11 kooxood sheegeen inay ka baxeen tartankan.

Laakiin xogo la helay ayaa sheegay in kooxda ka baxda tartankan ama ka laabata heshiiskii ay hore u saxeexday, in laga doonayo €1 bilyan oo Euro oo magdhow ah oo waliba ku caddayd heshiiskii ay kooxuhu saxeexeen, taas oo ka dhigan in kooxaha Manchester City, Manchester United, Chelsea, Liverpool, Arsenal, Tottenham, Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Juventus, AC Milan, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ay qayb ka yihiin tartankan.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid iyo Barcelona ayaa filaya in min €1 bilyan oo Euro ay heli doonaan haddii tartanka la dhaqangeliyo oo ay ku guuleystaan dacwadda maadaama ay yihiin labada kooxood ee kaliya ee hadda ku dagaallamaya in tartankan la dhaqangeliyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*