Maxay Ku Arkeen? Real Madrid Oo Dalbatay Xiddig Kale Oo Ingiriis Ah Oo Uu Tusaale U Yahay Jude Bellingham


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku raad-joogta xiddiga da’da yar ee reer England ee Jobe Bellingham oo ay doonayaan inay la saxeexdaan suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda innagu soo haya, kaddib markii ay daawadeen bandhig heersare ah oo uu ka samaynayo horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship oo uu u ciyaaro Sunderland.

Jobe oo ay walaalo yihiin xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham oo xagaagii ay lacag dhan £115 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Borussia Dortmund, ayaa waxa hadda qorshaynayaan in ay walaalkiina keenaan Santiago Bernabeu oo ay iska garab ciyaaraan.

Jude Bellingham oo 19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay kooxdiisa cusub ee Real Madrid u dhaliyey 16 gool, shan kalena caawiye ka noqday, ayaa waxa uu door weyn ka ciyaarayaa qorshaha ay kooxdiisu ku doonayso inay kula soo wareegto walaalkii Jobe oo isaguna kasoo baxay kulliyadda Birmingham ee uu hore Jude ugu ciyaari jiray, balse usii dhaafay Sunderlnad.

Jobe Bellingham oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa waxa uu Sunderland u dhaliyey afar gool xilli-ciyaareedkan, waxaana ay kooxdaasi ku hamiyeysaa in ay usoo dallacdo horyaalka Premier League oo ay dhawr sannadood ka maqnayd.

18 jirkan iyo qoyskiisa ayaa xagaagii waxa ay yimaaddeen garoonka Santiago Bernabeu oo ay kaga qayb-galeen xafladdii lagu soo bandhigayay Jude Bellingham, waxaana la rumaysan yahay in uu doonayo inuu raaco raadka walaalkii oo ay hal koox ku midaysnaadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*