Man City Oo Dooratay TODDOBA Tababare Oo Ay Ka Xulanayso Beddelka Pep Guardiola – Maxaa Soo Kordhay?


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xulatay toddoba tababare oo kusoo baxay liiska gaaban ee maallimiinta ay doonayso in midkood uu noqdo beddelka Pep Guardiola oo la sheegay in uu ka fiirsanayo inuu soo gabogabeeyo waqtigiisa Etihad Stadium.

Pep Guardiola oo xilli-ciyaareedkii tegay u qaaday Manchester City saddexda ee Champions League, Premier League iyo FA Cup, ayaa waxa muddadii uu Etihad Stadium joogay waxa uu kooxdiisa Man City ku hoggaamiyey 13 koob, halka cimrigiisa tababarenimo oo dhan uu ku guuleystay 34 koob muddo 15 sannadood ahayd oo uu tababare ahaa.

Pep Guardiola oo heshiiska uu kula jiro Manchester City uu ku egyahay sannadka 2025, ayaa waxa la sheegay in uu doonayo inuu ka tago Etihad Stadium marka uu dhamaysto xilli-ciyaareedka dambe ee soo gunaanadaya waqtiga qandaraaskii uu saxeexay.

Inkasta oo aan wali la ogaanin qorshaha ka dambeeya go’aanka Pep Guardiola isla markaana aanu isagu si rasmi ah u shaacin, haddana agaasimaha ciyaaraha Man City ee Txiki Begiristain iyo Ferran Soriano oo ayaa la sheegay in ay raadinayaan tababarihii beddeli lahaa, waxaana u calaamadsan toddoba tababare oo midkood ay doonayaan in uu la wareego booska.

Xulashada koowaad ee Manchester City ayaa la sheegay in uu yahay Michel oo ah tababaraha Girona oo qayb ka ah kooxaha City Group ee hoos yimaadda Man City, kaas oo falsafadda ay iskaga mid yihiin Pep Guardiola.

Michel ayay kooxdiisa Girona ka yaabisay kooxaha horyaalka waddanka Spain ee Laliga oo ay hoggaanka u hayso, waxaana horraantii usbuucan ay 4-2 ku karbaasheen Barcelona, iyagoo laba dhibcood ka sarreeya Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Waxa kale oo liiska tababareyaasha ay Man City doonayso ku jira Mikel Arteta, Roberto De Zerbi, Vincent Kompany, Xavi Hernandez, Xabi Alonso iyo Ange Postecoglou oo isagu ah tababaraha Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*