Saadaasha Chris Sutton Ee Horyaalka Premier League Ee Toddobaadkan – Muxuu Ka Yidhi Liverpool vs Man City Iyo Arsenal vs Brighton?


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa uu gelayaa usbuucii 17aad, waxaana jira kulamo waaweyn oo natiijooyinkooda si weyn loo sugayo oo toddobaadkan ka dhici doona horyaalka Premier League.

Ciyaarta indhaha lagu hayo waa Liverpool iyo Manchester United oo garoonka Anfield ku kala calaf-qaadi doona maalinta Axadda, iyadoo markii ugu dambaysay ee garoonkan ay ku wada ciyaareen ay Liverpool ku adkaatay 7-0, taas oo ahayd guul-darradii ugu cuslayd ee uu tababare Erik ten Hag.

Khabiirka ciyaaraha Chris Sutton oo saadaaliyey kulamada usbuucan ayaa waxa uu falanqayn kooban ka bixiyey ciyaarta Anfield, ka hor inta aanu u gelin saadaasha, waxaanu yidhi: “Waxa aan ogahay in dadka qaarkood ay rumaysan yihiin in Manchester United ay Tegayso Anfield oo ay natiijo fiican kasoo helayso, laakiin sidee ayay sidaa u samayn karaan, qaabkee ayay ku heli karayaan natiijo wanaagsan?

“Bournemouth ayaa gawracday iyaga, waxayna far dhaqaajin kari waayeen ciyaartii Bayern Munich ee ay ahayd inay guuleystaan. Aniga ilama aha in 7-0 lagaga badin doono, laakiin waxay u noqon doontaa habeen kale oo ku adag. Xaqiiqadu waxay tahay, in Liverpool ay 7-0 ku badiso ayaa ka macquulsan, in United ay kusoo guuleysato Anfield.”

Intaas kaddib ayaa waxa uu Chris Sutton saadaaliyey in Liverpool ay 4-0 ku garaaci doonto Man United oo ay Red sii haysan doonto hoggaanka horyaalka Premier League, halka Arsenal ay sii xajisan doonto kaalinta labaad oo ay guul fudud kasoo gaadhi doonto Brighton.

Saadaasha Chris Sutton ee usbuuca 17aad ee Premier League

Jimce

Nottingham 1-3 Tottenham

Sabti

Bournemouth 2-0 Luton

Chelsea 2-0 Sheffield United

Manchester City 2-0 Crystal Palace

Newcastle 3-1 Fulham

Burnley 1-2 Everton

Axadda

Arsenal 3-1 Brighton

Brentford 1-3 Aston Villa

West Ham 1-1 Wolves

Liverpool 4-0 Manchester United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*