Arsenal Oo Qasnaddeeda U Jabinaysa Victor Osimhen Oo Ay Xidhiidh Toos Ah La Samaysay


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xidhiidh toos ah la samaysay weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo toddobaadkan ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka CAF ee qaaradda Afrika, kaas oo toddobaadkan saxeexay heshiis cusub oo lagu xidhay qodob cayimaya lacagta lagu burburin karayo.

Gunners ayaa inkasta oio ay haystaan Gabriel Jesus iyo Eddie Nkeitah oo ku dhibaatoonaya inay goolal dhaliyaan, waxa ay doonaysaa in ay bisha January ee foodda inagu soo haysa la saxeexdaan ciyaartoy kale oo No.9 ah oo ka caawiya inay ku guuleystaan horyaalka Premier League.

Tababare Mikel Arteta iyo Edu ayaa la sheegay in ay diiraddooda saareen Victor Osimhem, waxaana maanta warkan aad looga hadal hayay waddanka Talyaaniga oo bogagga hore ay ku qoreen wargeysyada qaarkood.

Arsenal ayaa waxa ay doonaysaa in ay Napoli iskugu darto Gabriel Jesus iyo lacag kaash ah si ay kooxda Talyaania ugu qanciso inay u fasaxdo weeraryahanka reer Nigeria, laakiin waxa aan la ogeyn in Gabriel Jesus uu aqbali doono inuu tago Talyaaniga iyo inkale.

Wakiilka Victor Osimhem ee Roberto Calenda ayaa uu warku sheegay inay is-maqleen Arsenal oo ay si toos ah u wad-hadleen, waxaase Napoli ay dhowaan ka saxeexday Osimhem heshiis cusub oo dhigaya in €130 milyan oo Euro lagu burburin karayo qandaraaskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*