Erik ten Hag Oo Xaqiijiyey LABA Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Usoo Laabtay Man United Kulanka Liverpool Iyo LABA Ka Maqnaanaya


Erik ten Hag ayaa rajaynaya in ay taam noqon doonaan oo ay ciyaari doonaan Marcus Rashford iyo Luke Shaw kulanka adag ee ay kooxdiisa Manchester United safarka ugu tegayso Liverpool, waxaase uu xaqiijiyey in ay maqnaan doonaan Harry Maguire iyo Anthony Martial oo aanay wax fursad ah u haysanin ciyaartan.

Red Devils oo Salaasadii ay Bayern Munich ku garaacday 1-0, kana reebtay tartanka Champions League, sidoo kalena ka maqnaanaysa tartanka Europa League ayaa u baahan in ay jidka guusha kusoo laabato, maadaama Sabtidiina ay Bournemouth ku karbaashtay 3-0.

Waxa kale oo guul-darradii Munich u raacday inay ka dhaawacmeen Harry Maguire iyo Luke Shaw, laakiin difaaca bidix ee reer England ee Luke Shaw ayaa kusoo laabtay tababarka, halka Marcus Rashford oo xanuun kaga maqnaa ciyaartii Salaasadii uu isaguna soo laabtay, balse saaxiibkii Martial ayaan wali kasoo bogsanin xanuun aan faahfaahin badan laga bixin.

Tababare Erik ten Hag oo maanta la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Harry ma ciyaari doono kulamada soo socda, laakiin uma malaynayno inuu muddo dheer qaadanayo dhaawaciisu.

“Tababarkii saaka waxa kusoo laabtay Shaw, waxaananu u malaynaynaa in uu diyaar u noqon karayo ciyaarta Axadda. Marcus ayaa sodo laabtay, balse Martial wali wuu maqnaanayaa.”

Manchester United oo markii ugu dambeeyey ee ay booqatay Anfield ay Liverpool kusoo karbaashtay 7-0, ayaa waxa kale oo ka maqnaanaya Bruno Fernandes oo ganaax ah kaddib markii uu kaadh digniin ah qaatay kulankii Bournemouth.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*