Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darradii shalay kasoo gaadhay Crystal Palace, waxa loogu diiwaangeliyey rikoodh fadeexad ah oo aanay la kulmin muddo ka badan rubuc-qarni, kaas oo tababare Erik ten Hag iyo xiddigaha kooxdiisu ay soo hooyeen.
Toddobadii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan ayaa laga badiyey afar ka mid ah, waxaana uu Ten Hag garan la’yahay sidii uu ku heli lahaa qaab ciyaareed guul u keeni kara naadigiisa.
Guul-darradii kasoo gaadhay Tottenham Sabtidii oo ahayd middii afraad ee toddobada ciyaarood ee ugu horreeya horyaalka Premier League, waxay ku barbarreeyeen rikoodhkii ugu xumaa taariikhdooda ee loo diiwaangeliyey sannadkii 1989kii, waqtigaas oo sidan oo kael ay ku dhacday oo afar jeer laga badiyey toddobadii kulan ee ugu horreeyey, iyadoo xilligaas uu tababare da’yar ahaa Sir Alex Ferguson.
Red Devils oo tubta guusha kusoo laabatay ciyaartii Burnley ee toddobaadkii hore, sidoo kalena Crstal Palace ka reebtay tartanka Carabao Cup Salaasadii toddobaadkii tegay, ayaa waxa lagaga aargoostay garoonkooda.
Waxa hore Manchester United usoo garaacay kooxaha Brighton, Arsenal iyo Tottenham, kuwaas oo ay usii raacayso Crystal Palace.
Waxa kale oo iyaguna 4-3 ku garaacday Bayern Munich kulankoodii tartanka Champions League ee toddobaad ka hor ka dhacay Allianz Arena.
Be the first to comment