Tababare Jurgen Klopp ayaa wixii shalay kooxdiisa ku dhacay ku tilmaamay waalli, kaddib markii gool sax ah laga diiday iyadoo garsooreyaashu ay ku fashilmeen inay kasoo hubiyaan VAR, sidoo kalena kaadhkii hore ee la siiyey Diogo Jota uu qalad ahaa oo aanu taaban ciyaartoyga lagu eedeeyey inuu qaladka ku galay, isla markaana kaadh kale oo degdeg ahaa oo laga baaqsan karayay loogu daray.
Falalkii dhacay kulakii Tottenham ay 2-1 kaga adkaatay Liverpool, waxay abuureen in Reds ay tirsato caddaalad-darro weyn oo kaga timid dhinaca garsoorka, waxaanay is-weydiiyeen in iyadoo qalad uu sameeyey Curtis Jones laga soo eegay VAR si casaan loo siiyo, in gool sax ah oo ay dhaliyeen laga diiday iyadoo aan laga soo eegin VAR.
Jamaahiirta kooxda ayaa wixii ku dhacay kooxdooda ka falceliyey waxaanay usoo jeediyeen maamulka Premier League in lagu celiyo ciyaartaas oo go’aankeeda iyo natiijadeedaba ay meel sii dhigeen garsooreyaashu, sida ay taageereyaasha Liverpool ku doodeen.
Ciyaarta oo 0-0 ah ayuu Luiz Diaz gool u dhaliyey Liverpool, waxaanay ahayd waxyar kaddib markii casaanka la siiyey Jones, hase yeeshee calan-wadaha iyo garsooraha dhexe ayaa isku raacay in uu offside ahaa goolkaas, balse VAR oo ay ahayd inay qaladkooda saxdo ayaa afka ka xidhatay dhacdada.
Kaddib markii uu xidhiidhka gasooreyaasha PGMOL uu xalay sheegay in gef laga galay Liverpool, taageereyaasha kooxdaas ayaa sheegay in la dhacay naadigooda oo aanay raalligelin la siiyo ku filnayn, taas beddelkeedana ay tahay in lagu celiyo ciyaarta.
Mid kale ayaa isaguna soo qoray: “Waa dareenno aad iskugu badhxan wixii dhacay ee ay garsooreyaashu ka sameeyeen kulankii Tottenham-Liverpool. Waxay ila tahay in loo baahan yahay in ciyaarta lagu celiyo.”
Farriimaha noocan oo kale ah ayaa illaa xalay haystay baraha bulshada, waxaanay jamaahiirta Liverpool dalbanayeen in ciyaarta lagu celiyo, hase yeeshee waxa dooddooda sii xoojiyey halyeeyadii Premier League ee Gary Neville iyo Jamie Redknapp oo iyaguna ku dooday, in xataa kaadhkii casaa ee Curtis Jones laga baaqsan karayay oo garsooruhu uu ku talax-tegay kooxda, isla markaana ay ahayd in uu kaadh huruud ah iyo digniin siiyo.
Si kastaba ha ahaatee, dalabka taageereyaasha Liverpool ee ah in lagu celiyo ciyaarta ayaa ah mid aan macquul ahayn oo aanu sharcigu u ogolaanayn waxaanay ku qasban yihiin inay raalligelinta qaataan.
Be the first to comment