“Waxa Aanu Qiraynaa Inuu Dhacay Qalad Binu-aadam…” Xidhiidhka Garsooreyaasha Oo Xaqiijiyey In Garsooruhu Ka Eexday Liverpool Kulankii Tottenham


Xidhiidhka garsooreyaasha waddanka Ingiriiska ee PGMOL ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen xalay, waxay ku sheegeen in si qaldan looga diiday Liverpool gool sax ahaa oo ay dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta, kaas oo go’aankiisa kaliya ay gaadheen garsooraha dhexe iyo calan-waduhu isla markaana ay ka gaabsadeen garsooreyaasha VAR.

Liverpool oo guul-darro 2-1 ah kala kulantay Tottenham oo ilbidhiqsiyadii ugu dambaysay uu gool iska dhaliyey Joel Matip, ayaa waxay inta badan ku ciyaaraysay sagaal ciyaartoy, iyadoo casaan laga siiyey Curtis Jones oo baxay qaybtii hore iyo Diogo Jota oo qaybtii dambe baxay.

Reds ayaa ciyaarta hoggaanka u qabatay daqiiqaddii 34aad oo uu gool u dhaliyey Luis Diaz, hase yeeshee garsooreyaasha gudaha ayaa sheegay in uu ku jiray Offside, laakiin muuqaallada ayaa caddeeyey in uu ka dambeeyey Cristian Romero.

VAR oo ay ahayd inay beddesho go’aanka garsooreyaasha gudaha garoonka ayaa iska deysay inay dib u eegto oo ay beddesho go’aanka, sida ka dhacda ciyaaraha, taas oo ka dhigan in ay ka seexdeen shaqadoodii.

Xidhiidhka garsoorka oo war-saxaafadeed kasoo saaray arrintan ayaa qiray in Liverpool qalad laga galay, waxaanay yidhaahdeen: “PGMOL waxay qiraysaa in uu dhacay qalad binu-aadam qaybta hore ee ciyaartii Tottenham Hotspur vs Liverpool.

“Goolkii uu dhaliyey Luis Diaz ee garsooreyaasha gudaha ciyaartu ay u diideen in uu offside yahay, way caddahay in ay sameeyeen qalad oo ay ahayd in goolkaas ay ogolaadaan, waxay ahayd in VAR laga hubiyo, laakiin si ay ka noqotayba VAR ma aanay soo farogelin.”

Xidhiidhka garsoorka Ingiriiskuw uxuu sheegay in ay Liverpool si degdeg ah ugala xidhiidhi doonaan wixii ka dhacay ciyaartaas oo ay qirayaan in uu qalad jiray.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*