Tottenham Oo AFAR Dhacdo Ku Dishay Liverpool Iyo Murugadii Uu Sababay Joel Matip Ilbidhiqsigii U Dambeeyey


Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee Liverpool, waxaanay kaga adkaatay 2-1 ciyaar uu garsooruhu ku adkaaday Reds oo uu laba ciyaartoy casaan ka siiyey.

Tottenham ayaa heshay guul ay u qalmaysay oo uu ka caawiyey difaaca Liverpool ee Joel Matip oo ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey iyadoo uu garsooruhu afka ku hayo siidhiga iska dhaliyey goolka guusha siiyey Tottenham.

Spurs ayaa waqti horeba cadaadis badan saartay Liverpool oo uu sii dilay casaan toos ah oo lagu saaray laacibka reer England ee Cutis Jones oo qalad xun sameeyey, hase yeeshee waxa dhulka lasii galay Diogo Jota oo isaga oo beddel kusoo galay haddana casaan badheedh ah qaatay, ka hor intii aanu Matip iska dhalinin goolka guusha daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah oo sii dhamaanaysa.

Daqiiqaddii 24aad ayay ciyaartu waji kale yeelatay oo ay si buuxda ugu janjeedhsatay dhinaca Tottenham kaddib casaan loo taagay Jones oo VAR looga soo daawaday.

Tottenham ayaa hoggaanka ku qabatay kgool qurux badan oo uu u dhaliyey Heun-min Son daqiiqaddii 36aad, hase yeeshee Gody Gakpo oo dhaawac ku ciyaarayay ayaa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada waxa uu keenay goolka barbarraha.

Jurgen Klopp ayaa waqtigii nasashada waxa uu saaray Gakpo oo dhaawac ahaa, waxaana uu keenay Diogo Jota oo ay ku dhacday nasiib-darro iyo doqoniimo uu sameeyey.

Jota oo kaad digniin ay ku qaatay qalad uu sameeyey daqiiqaddii 68aad, ayaa haddana isla markii kubadda ay ciyaartoyda Tottenham isku taabteen waxa uu sameeyey qalad kale, taas oo keentay in garsooraha ciyaartu uu si degdeg jeebadda gacanta u geliyo oo uu isku raaciyo laba kaadh oo huruud iyo casaan ah.

Liverpool ayaa ku doodday in kaadhka hore uu ahaa mid aan sax ahayn oo qalad ah, hase yeeshee garsooraha ayaan dheg u dhigin.

Tottenham ayaa awood u yeelatay inay ciyaartoydeedu kasoo guuraan qaybta garoonkooda oo ay iskugu yimaaddaan dhinaca Liverpool maadaama Reds ay sagaal ciyaartoy ku dheelaysay.

Daqiiqadii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ayaa iyadoo Liverpool ay filayso in ciyaartu barbarro kusoo dhamaato, waxa kubbad isku qabtay Joel Matip oo goolka kooxdiisa ku leexiyey kubbad uu filayay in uu difaacayo.

Liverpool ayaa waxa ay ciyaartan eersatay gool ay waqti hore dhaliyeen oo si la garan waayey ay VAR iyo garsooruhu ugu sheegeen OFFSIDE, inkasta oo markii xariijimaha la jeexay ay caddaatay in lugta difaaca Tottenham ay ka dambaysay.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay kaalinta afraad u dhacday oo ay haysato 16 dhibcood, halka Tottenham ay labaad gashay oo ay haysato 17 dhibcood oo ay isku mid yihiin Arsenal oo farqiga goolasha kaga hoosaysa, iyadoo Man City oo hoggaanka haysaa ay leedahay 18 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*