Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo ogolaaday in uu u ciyaaro xiddiga reer Portugal ee Joao Felix kulanka adag ee Atletico Madrid oo ay laacibkan amaah kaga soo qaateen, kaas oo si degdeg ah u saldhigay Catalonia oo lic iyaarood oo uu u saftay u dhaliyey saddex gool, laba kalena caawiye ka noqday.
Joao Felix ayaa u muuqda in uu dib u helay qaab ciyaareedkiisii kaddib 18 bilood oo uu ku dhibaatoonayay Atletico Madrid oo xataa amaah ugu dirtay Chelsea oo aanay waxba iska beddelin marxaladdii uu ku jiray.
Atletico ayaa dareenno isku badhxan kula socota Joao Felix iyo wacdaraha uu ka samaynayo Barcelona, waxaana ay kasii fikirayaan kulanka ay iskaga hor iman doonaan, iyaga oo u arka in uu khatar ku yahay dedaalka ay ugu jiraan in xilli-ciyaareedkan ay ku guuleystaan horyaalka LaLiga.
In ciyaartoy kooxdooda ah oo ay amaah ku direen, isaga oo waliba colaad kula jira, ayaa waxay Atletico Madrid u aragtaa in ceeb ku tahay oo ay ka dhigan tahay sidii iyaga oo lugta is-qabtay oo kale.
Sida uuq oray wargeyska Relevo ee aadka looga akhristo waddanka Spain, Atletico Madrid ayaa la sheegay in ay go’aansatay in Joao Felix ay u ogolaato in uu u ciyaaro kulanka ay Barcelona iska hor iman doonaan, waxaana sababta lagu sheegay in ay meesha ka saarto in ay muujiso in ay ka cabsi qabto in ciyaartoygii ay iska dirtay ay haddana ka baqayaan.
Arrintan ayaa ka dhigan, in ciyaarta December 3 ee garoonka Lluís Companys Olympic Stadium ay Barcelona ku martigelinayso Atletico Madrid in uu Joao Felix fasax u yahay inuu ciyaaro oo waliba uu noqdo ninka ay Barcelona u isticmaali doonto inuu dhabarka ka jabiyo Atletico Madrid.
Be the first to comment