SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Champions League Iyo Fursadda Ay Man United Ugu Gudbayso Wareegga 16ka


Supercomputer ayaa saadaal ka sameeyey kulamada ugu dambeeya wareegga group-yada tartanka Champions League, siiba Manchester United oo fursadda ay kusoo bixi karayso ay cidhiidhi ku jirto taas oo kaliya aan lugteeda ku xidhnayn balse kaga sii xidhnaanaysa natiijooyinka naadiyo kale.

Goolhaye Andre Onana ayaa dusha loo saaray hoobad ku yimid Manchester United ciyaartii ay Arbacadii barbarraha 3-3 la galeen Galatasaray, taas oo laba jeer uu laad xor ah ka dhaliyey Hakim Ziyech oo waliba kubbado diciif ah kusoo toogtay.

Qaladaadka uu sameeyey goolhayaha reer Cameroon waxa uu raalligelin ka siiyey taageereyaasha kooxda, laakiin raalligelintu miyey usoo saaraysaa wareegga 16ka Champions League? Waa su’aasha ay jamaahiirtu kaga jawaabeen raalligelinta uu bixiyey Onana.

Manchester United waxay ku jirtaa kaalinta ugu hoosaysa ee Group A, waxaana ay ciyaarta ugu dambaysa garoonka Old Trafford kula ciyaari doonaan Bayern Munich oo mar horeba u gudubtay wareegga 16ka, laakiin barbarrihii ay Bavaria la gashay FC Copenhagen ayay kusii xumaysay rajada Man United.

Haddii Galatasaray iyo FC Copenhagen ay kala badiyaan ciyaartooda usbuuca labaad ee bisha December, Manchester United waxay si toos ah uga hadhi doontaa tartanka xataa haddii ay ka badiyaan Bayern Munich.

Kaddib natiijooyinkii Salaasadii iyo Arbacadii, Supercomputer oo isticmaalaya qaaciidada xisaabeed ee BETSiF ee Bettingexport ayaa xisaab kusoo saaray waxa Manchester United ay ka helayso ciyaarta ugu dambaysa.

Supercomputer oo 100,000 jeer wareejiyey mishiinka xisaabta ee uu iticmaalo, ayaa waxa uu sheegay, in fursadda ay Manchester United kusoo gudbi karayso ay tahay kaliya 7.2%, halka FC Copenhagen ay haysato fursad 53.83% ah iyo Galatasaray oo fursaddeedu tahay 39.03%, taas oo ka dhigan in Man United ay rajo la’aan tahay.

Dhinaca kale, Supercomputer waxa uu saadaaliyey kooxda ku guuleysanaysa tartanka, waxaana uu ka farxiyey Manchester City oo uu u sheegay in fursadda ay ugu guuleysan karayso ay tahay 28.89%, waxaana kusoo xigta Bayern Munich oo fursaddeedu tahay 16.19% iyo Real Madrid oo saddexaad ah oo fursad u haysata 12.27%.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*