LABADA Kooxood Ee Kaliya Ee Man City Kula Tartamaya Champions League Oo La Magacaabay


Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Harry Kane ayaa magacaabay laba kooxood oo kaliya oo awood u leh in ay Manchester City kula tartamayaan horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League.

Harry Kane oo bandhig heersare ah ka samaynaya Bayern Munich oo xagaagii kasoo iibsatay Tottenham Hotspur, ayaa 18 ciyaarood oo uu u saftay Munich waxa uu u dhaliyey 22 gool oo dhamaan tartamada ah.

Dedaalladiisu waxay ka caawiyeen kooxda tababare Thomas Tuchel, in ay kaalinta koowaad kaga soo baxdo Group-ka A ee tartanka Champions League iyadoo hal ciyaar ahi u hadhsan tahay.

Harry Kane oo la hadlayey warbaahinta ayaa la weydiiyey kooxaha awoodda u leh inay la tartamaan Manchester City oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, waxaana uu sheegay in kooxdiisa Bayern Munich iyo Real Madrid ay yihiin kuwa kaliya ee la tartami karaya.

Kane oo la hadlayay wargeyska Metro ee kasoo baxa UK, ayaa yidhi: “Aniga ilama aha in Man City ay ka sarrayso kooxaha kale ee Yurub. Waxaynu ognahay in City ay haysato ciyaartooyo wanaagsan oo heerkoodu aad u sarreeyey sannadihii ugu dambeeyey iyo tababare cajiib ah.

“Laakiin aragtidayda, annaga oo ah Bayern Munich waxa aanu diiradda saaraynaa nafahayaga, mana eegayno kuwa nala xafiiltamaya. Haddii aanu la kulanno Man City, waanu u diyaar-garoobi doonaa.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan yu ciyaarayo Bayern Munich, hadafkayaguna waa in aanu si tallaabo-tallaabo ah u guuleysano oo aanu sii wadno libinta.

“Waxa kale oo tartamaysa Real Madrid.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*