Jude Bellingham ayaa sii wada bandhigga cajiibka ah ee uu ka samaynayo Real Madrid oo uu xagaagii kaga soo biiray Borussia Dortund, waxaana uu mar kale wacdaro ka dhigay ciyaartii Champions League ee Arbacadii.
20 jirkan reer Enland ayaa dhaliyey gool, mid kalena caawiyey kulankii ay Real Madrid 4-2 kaga takhalustay Napoli, waxaana uu mar horeba jabiyey rikoodhkiisii gool-dhalinta ee ugu fiicnaa abid.
Jude Bellingham ayaa goolkii madaxa ahaa ee uu ka dhaliyey Napoli, waxa uu ahaa goolkiisii 15aad ee uu dhaliyo 16 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid, ka hor intii aanu waqtigii dheeraadka ahaana hadiyad goolka u hordhigin Joselu.
Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ammaan degdeg ah ugu qubeeyey Jude Bellingham isla markii ay dhamaatay ciyaartii xalay, waxaanu yidhi: “Waa ciyaartoy layaableh marka uu soo galo xerada ganaaxa, waxa uu kusoo galaa xerada ganaaxa sida mootada/dhugdhuglayda oo kale.
“Waxa uu samaynayaa waxyaabo layaableh sababtoo ah qofna ma aanu sawiran karaynin in uu sidaa degdegga ah ula qabsan doono halkan kooxdan iyo kubadda uu muujinayo. Waxa uu ka yaabiyaa taageereyaasha, ciyaartoyda iyo xataa kooxaha kasoo horjeeda.”
Goolkii uu Jude Bellingham ka dhaliyey Napoli, waxa uu ku abuuray taariikh cusub oo ay xataa gaadhi waayeen Cristiano Ronaldo iyo ciyaartoydii kala ee Real Madrid ee ka horreysay, waxaana uu noqday laacibkii ugu horreeyey ee goolal u dhaliya Real Madrid afartii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u safto.
Sabtida ayay Real Madrid waajihi doontaa Granada oo ay horyaalka LaLiga ku ballansan yihiin, waxaana uu Jude Bellingham rajaynayaa in uu sii wadan doono qaab-ciyaareedkiisa iyo dhalinta goolasha intaba.
Be the first to comment