RASMI: Murashaxiinta Abaal-marinta Xiddiga Bisha November Ee Premier League Oo La Shaaciyey


Horyaalka Premier League ayaa shaaciyey ciyaartoyda ku tartamaysa abaal-marinta xiddiga bisha November ee ‘Player of the Month’, waxaana markii ugu horreysay muddo dheer kasoo muuqanaya difaaca Manchester United ee Harry Maguire.

Difaaca reer England oo hore u lumiyey booskiisa markii uu kooxda yimid Erik ten Hag oo go’aansaday inuu difaaca dhexe ku lammaanaysiiyo Raphael Varane iyo Lisandro Martinez, ayaa dib u helay booskiisa isaga oo noqday rukun adag oo kooxdu ay ku tiirsan tahay.

Waxa uu Harry Maguire booska ka cidhiidhsaday Raphael Varane oo kaydka u dhacay, iyadoo la rumaysan yahay in difaaca reer France ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda tartameyaasha bisha November ku jira Raheem Sterling oo bishan sii dhamaanaysa Chelsea ka caawiyey inay dib usoo noolaato, waxaana uu bandhig fiican ka sameeyey kulamadii Manchester City iyo Newcastle oo uu shabaqa soo taabtay, inkasta oo ciyaarta dambe laga badiyey kooxdiisa.
Jeremy Doku oo Manchester City garabka uga ciyaara, Anthony Gordon oo Newcastle United hoggaamiye u noqday, goolhayaha Luton ee Thomas Kaminski iyo xiddiga Bournemouth ee Marcus Tavernier ayaa iyaguna ka mid noqday tartameyaasha bisha November.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*