Nico Paz Oo Lugta Saaray Rikoodh Khaas U Ahaa Lionel Messi Kaddib Goolkii Uu Xalay U Dhaliyey Real Madrid


Xiddiga da’da yar ee Real Madrid ee Nico Paz ayaa Arbacadii xalay sameeyey taariikh cajiib ah kaddi markii uu kooxdiisa u dhaliyey gool kulankii ay 4-2 ku karbaasheen Napoli oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabeu.

Nico Paz oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid waxa uu u dhashay waddanka Argentina laakiin ciyaartiisii xalay waxay ahayd riyo u rumowday oo uu ku raacay raadka Lionel Messi oo ay isku qaab ciyaareed yihiin, isla markaana uu la wadaagay rikoodh cajiib ah.

Los Blancos oo daqiiqaddii 9aad uu gool kaga nixiyey Giovanni Simeone ayaa saddex daqiiqadood gudahood ku keentay barbarraha waxaana gool qurux badan u dhaliyey Rodrygo Goes, iyadoo hoggaankana uu usii dheereeyey Jude Bellingham, ka hor intii aanu Andre-Frank Zambio Anguissa ciyaarta ka dhigin 2-2.

Nico Paz oo 19 jir ah ayuu noqday laacibka Real Madrid guusha gacanta usoo geliyey, waxaana uu kusoo galay beddel si uu hoggaanka uu soo celiyo kooxdiisa, waxaana uu shabaqa ku hubsaday gool qurux badan daqiiqaddii 84aad xilli ay labada kooxood filanayeen in ciyaartu barbarro ku dhamaan doonto, halka Joselu uu goolka afraad ee Los Blancos keenay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Paz ayaa ahaa ciyaartoyga taariikhda sameeyey, waxaana uu goolkiisa dhaliyey iyadoo ay da’diisu tahay 19 sannadood iyo 60 maalmood, taas oo ka dhigtay ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee reer Argentina ee gool ka dhaliya tartanka Champions League, waxaana kaliya ka da’ yaraa Lionel Messi oo saninadkii 2005 u dhaliyey Barcelona goolkiisii koowaad ee Champions League ah iyadoo ay da’diisu ahayd 18 sannadood iyo afar 120 maalmood jir.

Messi ayaa waxa uu gool dhaliyey ciyaar ay Barcelona 50 ku xasuuqday Panathinaikos markii ay taariikhdu ahayd November 2005.

Hadda, Lionel Messi iyo Nico Paz ayaa ah ciyaartoyda ugu da’da yar ee reer Argentina ee goolal ka dhaliya tartanka Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*