Lionel Messi mise Cristiano Ronaldo? Ashley Cole Oo Doortay Xiddigii Uu Ku Dhibaatooday Joojintiisa


Halyeygii Chelsea iyo Arsenal ee Ashley Cole ayaa magacaabay ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ku dhibaatooday sidii uu u joojin lahaa waqtigii uu ciyaartoyga ahaa, waxaana uu kala saaray Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo waqtiyo badan ay iska hor yimaaddeen oo midkood uu awoodi waayey inuu joojiyo.

Messi iyo Ronaldo oo lagu tilmaamo inay yihiin ciyaartoydii ugu wanaagsanayd ee soo martay garoomada 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, isla markaana qaybsaday 13 Ballon d’Or oo siddeed ka mid ah uu ku guuleystay Lionel Messi ayaa sidoo kale dhaliyey goolasha ugu badan, waxaanay ku siqayaan in ay noqdaan kuwa taariikhda kubadda cagta ugu goolasha badan. Labadooduba, waxay dhaliyeen in ka badan 800 gool oo isugu jira heer kooxood iyo heer xul qaran.

Ashley Cole oo ciyaaray in ka badan 700 ciyaarood oo uu u saftay naadiyadii uu usoo dheelay iyo xulka qaranka England ka hor intii aanu hawlgabka noqon, ayaa waxa uu waajahay Messi iyo Ronaldo waqtiyo kala duwan.

Mar la weydiiyey ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ka hor tegay iyadoo lasoo hordhigay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxa uu markiiba lasoo booday xiddiga reer Portugal.

Ashley Cole oo ka jawaabayay su’aashan ayaa yidhi: “Ciyaartoygii ugu adkaa ee aan ka hor tegay, waxa aan odhanayaa waa Ronaldo. Labadooduba Messi iyo Ronaldo way adag tahay in la joojiyo, laakiin aniga waxa igu adkaa Ronaldo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*