DEG-DEG: Everton Oo Mar Kale Laga Jarayo Dhibco Iyadoo Hore 10 Dhibcood Looga Jaray


Kooxda kubadda cagta Everton oo toddobaadyo ka hor laga jaray toban dhibcood oo horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan ah ayaa mar kale waajahaysa halis kale oo ah in laga jaro dhibco kale, taas oo haddii lagu fuliyo hoos ugu ridi doonta heerka labaad.

Everton ayaa dhowaan lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaalaha oo ay hoos uga dhacday khadka cas ee loo jeexay in aanay kooxna hoos uga dhicin khasaaraha ay diiwaangelinayso sannadka, waxaanay taasi keentay in laga jaro 10 dhibcood.

Toffees ayaa la sheegay in mar kale ay haddana xilli-ciyaareedkan ku dhacayso isla dembiga lagu ganaaxay oo ay geli doonto khasaare weyn oo kale, isla markaana ay qasab noqon doonto in dhibco kale laga jaro, balse waxa go’aanka cusub lagu dhawaaqi doonaa bisha May.

Sharciga Premier League, ayaa waxa uu dhigayaa, in aanay kooxna diiwaangelin karaynin khasaare ka badan £105 milyan oo Gini saddexdii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyey, laakiin Everton ayaa shaacisay inay khasaartay in ka badan £300 milyan oo Gini saddexdii sannadood ee u dambeeyey.

Premier League ayaa u qabtay Everton in ay warbixinta xisaabteeda soo gudbiso ugu dambayn December 31, halkii ay hore uga ahayd inay soo gudbiyaan bisha March ee sannadka dambe, waxaana afar usbuuc kaddib la eegi doonaa dhaqaalaha kooxda oo laga dhax-arki doono sida uu xaalkeedu yahay sannadkan sii dhamaanaya, kaas oo haddii la arko inay ka hooseeyaan intii loo cayimay lagu ridi doono ganaax kale oo dhibco lagaga jarayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*