Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyo Manchester City ayaa isku raacay waqtiga go’aanka laga gaadhayo kiiska dembiyada ee loo haysto kooxdan oo ah in ay 115 jeer jabisay oo ay ku tumatay sharciga dhaqaalaha ee kubadda cagta ee loo yaqaano ‘Financial Fair Play’.
Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League, ayaa bishii February ee horraantii sannadkan lagu helay inay gashay dembiyo tiro badan oo ay 115 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha.
Maamulka Premier League iyo Man City ayaa maanta isku raacay in la bilaabo dhegaysiga dacwadda oo socon doonta muddo dhawr bilood ah, waxaana Premier League uu kusoo bandhigi doonaa caddaymaha dembiyada ay kooxdu gashay, halka City ay dhinaceeda diyaarsanayso waxyaabaha ay isku difaacayso.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay, in dacwadda lagu oogayo Manchester City ay noqon doonto mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo aan loo ogolaan doonin in ay taageereyaasha iyo saxaafaddu kasoo qayb-galaan.
Dayrta sannadka dambe ayaa la sheegay in ay bilaabmi doonto dacwaddu sida ay dhinacyadu isku raaceen, waxaana Manchester City ay go’aanka ama uu xukunku ku dhici doonaa dhamaadka xilli-ciyaareedka dambe.
Pep Guardiola ayaa wadnaha farta ku haya, waxaana ay ka baqayaan in laga jaro dhibco sidoo kalena ay suurtogal tahay in laga xayuubiyo qaar ka mid ah horyaallada Premier League ee ay kooxdu ku guuleysatay.
Manchester City ayaa waxa lagu helay in ku-tumashada sharciga dhaqaalaha ay soo bilowday xilli-ciyaareedkii 2009-10, illaa sannadkii 2018kiina ay wadday, waxaana warbaahinta Ingiriisku ay isku raacsan tahay in kooxdan dhibco laga jari doono haddii lagu helo dembigaas.
Be the first to comment