Erik Ten Hag Oo Mainoo Iyo Martial Ku Aaminay Kulanka Adag Ee Everton Iyo Isbedellada Red Devils


Kobbie Mainoo ayaa ka mid noqday saddex isbeddel oo uu Erik ten Hag ku sameeyey xiddigaha Manchester United kulanka adag ee ay martida u yihiin Everton oo ay ku booqanayaan Goodison Park, kaas oo uu weerarka kusoo bilowday Anthony Martial.

Red Devils ayaa waxa dhaawacyo kaga maqan Rasmus Hojlund iyo Christian Eriksen, sidoo kalena waxa aan garoonka joogin Antony, taas oo keentay in weerarka uu kusoo bilowdo Anthony Martial oo ay garabaha ka caawinayaan Alejandro Garnacho iyo Marcus Rashford.

Khadka dhexe ayaa waxa kusoo wada bilowday Scott McTominay oo ah kubbad-burburiyaha ciyaartan iyo Kobbie Mainoo halka uu weerarka caawinayo Bruno Fernandes.

Erik ten Hag ayaa kaydka dhigay  Sofyan Amrabat oo sii luminaya kalsoonida, hase yeeshee waxa usoo laabtay difaaca bidix ee reer England ee Luke Shaw oo muddo dheer kaddib kusoo bilowday dhinaca bidix.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: Onana, Dalot, Maguire, Lindelof, Shaw, McTominay, Mainoo, Garnacho, Fernandes, Rashford, Martial.

Kaydka: Bayindir, Wan-Bissaka, Varane, Reguilon, Van de Beek, Amrabat, Hugill, Mejbri, Pellestri.

Everton XI: Pickford, Young, Tarkowski, Branthwaite, Mykolenko, Garner, Doucoure, Gueye, Harrison, Calvert-Lewin, McNeil.

Kaydka: Virginia, Patterson, Keane, Godfrey, Coleman, Hunt, Danjuma, Dobbin, Chermiti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*