Mucjisada 15 Jirka Ah Ee 500 Gool Dhaliyey Ee Xalay Taariikhda Ka Sameeyey Horyaalka Talyaaniga


Taariikh cusub ayaa ka qorantay horyaalka waddanka Talyaaniga ee xalay, waxaana rikoodh aan hore loo arag loo diiwaangeliyey mishiinka goolasha ee Francesco Camarda oo ah 15 jir u dhaliyey AC Milan in ka badan 500 gool, kaas oo beddel kusoo galay ciyaartii ay xalay guusha cidhiidhiga ah ka gaadheen Fiorentina.

Francesco Camarda oo ay da’diisu tahay 15 sannadood iyo 8 bilood jir, ayaa soo galay garoonka daqiiqaddii 82aad xilli ay kooxdiisu niyadda gashatay inay guuleysanayso, markaas oo uu tababare Stefano Pioli siiyey kalsoonida ah in uu u qalmayoinuu u ciyaaro kooxda koowaad.

Camarda ayaa waxa uu xalay noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee bid ka ciyaara horyaalka Talyaaniga ee Serie A, laakiin dad badan layaab kuma aanay ahayn sababtoo ah waxa si weyn loola socday mucjisooyinka uu ka samaynayo kooxda da’yarta.

15 jirkan ayaa ciyaar kasta oo uu u saftay kooxda da’yarta AC Milan, waxa uu u dhaliyey min shan gool iyo ka badan, balse nasiibku ma aanu siinin inuu shabaqa soo taabto markii lagu beddelay Luka Jovic oo la saaray dhamaadka ciyaarta oo ay siddeed daqiqiadood ka hadhsan tahay.

Francesco Camarda ayaa loosoo dallacsiiyey kooxda koowaad markii ay dhaawacyo ku habsadeen ciyaartoyda waaweyn, sidoo kalena ganaax laba ciyaarood ah lagu riday Olvier Giroud oo asaan qaatay ciyaartii Lecce halka Noah Okafor uu kusoo dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa.

Mucjisooyinka Francesco Camarda waxa hore uga sheekaynaysay warbaahinta adduunyada, sababtoo ah 89 ciyaarood oo uu u saftay kooxda da’yarta AC Milan ayaa uu u dhaliyey 485 gool, taas oo ka dhigan in ciyaar walba uu dhaliyey 5.5 gool.

Xilli-ciyaareedkii 2017/18 ayaa uu kooxda da’yarta AC Milan u dhaliyey 247 gool isaga oo kaliya 40 ciyaarood u saftay, waxaana mucjiso kale ahayd in waqtigaas ay da’diisu ahayd 8 jir.

Dhowaan ayuu noqday ciayartoyga Talyaaniga ah ee ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya tartanka UEFA Youth League, markaas oo uu laba gool ka dhaliyey Newcastle United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*