Eddie Howe Oo Macaabay AFARTII Ciyaartoy Ee Adhaxda Ka Jabiyey Chelsea


Tababaraha kooxda kubadda cagta Newcastle United ee Eddie Howe ayaa ammaanta ka xajisan waayey saddex ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa oo uu sheegay inay muujiyeen khibrad markii ay shalay kooxdiisu 4-1 ku karbaashtay Chelsea oo marti ugu ahayd St James’ Park.

Waxa kale oo Eddie Howe ammaan u jeediyey wiilka 17 jirka ah ee Lewis Miley oo kusoo bilowday kulankii shalay balse soo bandhigay ciyaar cajiib ahayd oo aanay marnaba ka muuqanin in ay da’diisu yar tahay.

Alexander Isak ayaa Magpies u furay dhalinta goolasha ka hor intii aanu Raheem Sterling barbarraha u keenin Chelsea daqiiqaddii 23aad oo uu u dhaliyey laad xor ah. Kaddib waxa saddex gool oo qaybtii dambe ahaa israaciyey Jamaal Lascelles, Joelinton iyo Anthony Gordon, iyadoo Chelsea murugo kaga baxday garoonka.

Eddie Howe oo kooxdiisa ay ka dhaawacan yihiin 13 ciyaartoy oo ka maqnaa kulankii Chelsea ee shalay, ayaa waxa farxad geliyey khibradda ay adeegsadeen dhawr ciyaartoy oo uu magacyadooa markiiba warbaahinta ka hor sheegay, kuwaas oo uu xusay inay ahaayeen sirtii ka dambaysay guushoodii shalay.

“Run ahaantii waa farriin ay dirtay kooxdani.” Ayuu yidhi Eddie Howe, waxaanu ku daray: “Waxa aanu weydiisanay ciyaartoyda inay sare isku qaadaan, run ahaantiina waanu u qalmaynay guushan, waana tallaabo weyn.”

Eddie Howe oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: “Hoggaamiyeyaasha kooxda ayaa wax go’aamiyey – Jamaal Lascelles, Kieran Trippier, Matt Ritchie. Waxay xaqiijiyeen in aan go’doon lana gelinin.”

Intaas kaddib ayuu Eddie Howe usoo jeedsaday ammaanka xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Miley oo ay u ahayd ciyaartii labaad ee uu kusoo bilowdo, kaas oo caawiyey goolkii uu ciyaarta ku furay Alexander Isak, waxaanu Howe ku sifeeyey ciyaartoy tayo leh oo kubbadiisu qaangaadh tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*