Real Madrid Oo Loo Bandhigay In Bisha January Ay La Saxeexato Xiddigii Hore Ee Barcelona


Maalmihii ugu dambeeyey, waxa jiray warar badan oo kutidhi-kuteen ah oo la isla dhaxmarayay oo ku saabsanaa Real Madrid iyo saxeexyada ay samayn doonto suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, waxaana ciyaartoyda magacyadooda miiska lasoo saaray ka mid ahaa weeraryahanka reer Argentina ee Mauro Icardi oo u dheela Galatasaray.

Dhaawac soo gaadhay garabka weerarka Brazil ee Vinicius Junior oo muddo laba bilood iyo dheeraad ah garoomada ka maqnaanaya, ayaa Real Madrid ku keentay in kaliya ay wax weerar ah haystaan Joselu Mata iyo Rodrygo Goes oo iyagana ay hoosayso heerka dhalinta goolashoodu.

Hadal-haynta ugu abdan waxa ay ahayd in kooxdu ay u baahan tahay weeraryahan dhexe oo qaab fiican ku jira, waxaana magaciisu uu bannaanka yimid Mauro Icardi oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barcelona oo uu muddo saddex sannadood ah ku qaatay, kaas oo xilli-ciyaareedkan ku jira qaab fiican isla markaana u dhaliyey kooxdiisa Galatasaray 15 gool.

Si kastaba ha ahaatee, wariyaha ciyaaraha wargeyska The Athletic ee Guillermo Rai, ayaa waxa uu sheegay, in Real Madrid aanay doonayn inay saxeexato Mauro Icardi bisha January, sidoo kalena aanu weeraryahan kale iman doonin kooxda, haddii aanay inta ka horreysa waqtigaas dhaawacyo iyo duruufo kale oo ku qasbaya aanay imanin.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa si uu u buuxiyo booska uu ka dhaawacmay Vinicius Junior, waxa uu kooxda da’yarta Real Madrid uga yeedhay Gonzalo Garcia oo uu kusoo daray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Cadiz ee caawa, waxaana uu laacibkan u isticmaali doonaa sidii saxeex cusub oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*