Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Horyaalka Premier League Kula Tartamaysa Man City


Halyeyga England ee Rio Ferdinand oo difaaca uga ciyaari jiray Manchester United ayaa magacaabay hal koox oo kaliya oo uu rumaysan yahay in ay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kula tartami karayso Manchester City xilli-ciyaareedkan socda.

Manchester City ayaa waxay Sabtidii barbarro 1-1 ah garoonkeeda Etihad Stadium kula gashay Liverpool oo marti u ahayd, waxaana gool uu qaybtii hore u dhaliyey Erling Haaland ka daba yimid Trent Alexander-Arnold oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Labada kooxoodba waxay u ahayd natiijo weyn sababtoo ah City ayaa laga joojiyey inay afar dhibcood oo nadiif ah ka horreyso Liverpool, waxaanay Reds ku celisay in hadda dhibic kaliya laga horreeyo, balse waxa barbarrahan ka faa’iidaysatay Arsenal oo la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League markii ay fiidnimadii xalay 1-0 kaga badisay Brentford.

Kai Havertz ayaa kursiga kaydka uga soo kacay si uu kooxdiisa guul ugu hoggaamiyo, waxaana ay ku qaadatay toban daqiiqadood in uu shabaqa soo taabto, balse goolkiisa ayaa yimid iyadoo dhamaadka ciyaarta uu hal daqiiqo oo kali ahi ka hadhsan yahay.

Kaddib natiijooyinkan, Rio Ferdinand ayaa waxa uu sheegay, in Manchester City ay markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonto horyaalka Premeir League, laakiin ay Arsenal tahay kooxda kaliya ee cidhiidhiga ku gelin karaysa.

Ferdinand oo la hadlayey telefishanka TNT Sports ayaa yidhi: “Labada difaac dhexe ayaa ah sababta aan Arsenal uga horreysiinayo Liverpool marka ay noqoto kooxda Man City kula tartamaysa horyaalka.

“Waxay ila tahay in labadooduba ay ku jiraan qaab fiican, waad ku kalsoonaan kartaa, waxaanay u muuqdaan inay samaynayaan korriin wada-shaqayneed iyo isfaham ciyaareed.

“Uma muuqdaan in ay wax dhibaato ah ku hayso in ay yimaaddaan booskooda oo ay dagaallamaan, taasina waa farqi kale oo weyn. Waxa jira ciyaartooyo wanaagsan, laakiin kuwani (difaaca Arsenal) ciddiyaha ayay ku dagaallamayaan, waxaanay qabanayaan shaqo adag.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*