Waa Kuma Tababaraha Man United Hoggaaminaya Ciyaarta Everton Ee Maanta Ee Uu Ganaax Ku Maqan Yahay Erik ten Hag?


Erik ten Hag waxa uu maanta ganaax kaga maqan yahay ciyaarta adag ee ay martida ku yihiin Goodison Park oo ay ku booqanayaan Everton, waana ciyaar adag oo ay u baahan yihiin inay helaan saddex dhibcood oo ay sare ugu soo kacaan, ka hor kulanka Galatasaray ee toddobaadkan ee ay ku xidhan tahay rajadooda tartanka Champions League.

Tababaraha reer Netherlands ayaa kaadhadh digniin ah la siiyey kulamadii Tottenham, Arsenal iyo Luton Town, waxaana sida uu sharcigu dhigayo uu ka maqnaanayaa ciyaarta afraad oo ah maanta oo ay Everton marti u yihiin.

Ten Hag waxa uu ciyaarta ka daawan doonaa dusha sare ee garoonka Goodison Park oo uu ka hagi doono ku-xigeenkiisa Mitchel van der Gaag oo ah noqonaya tababaraha Manchester United ee ciyaarta maanta, kaas oo ah nin kalsooni badan lagu qabo. Waxa kale oo garabkiisa fadhiyi doona tababarihii hore ee xulka qaranka England ee Steve McClaren.

Van der Gaag ayay Ten Hag soo wada-shaqeeyeen muddo dheer, intii aanu shaqada tababarka bilaabin waxa uu ahaa ciyaartoy kasoo dheelay horyaallada Eredivisie ee Netherlands, Scottish Premier League iyo Primeira Liga-ha waddanka Portugal halka xulka qaranka Netherlands ee da’yarta uu u saftay afar kulan sannadihii 1990-meeyadii.

Mitchel van der Gaag waxa uu soo maray nolol adag markii uu ku dhacay xanuunka Kansarka oo laga daaweeyey.

Ka sokow Erik ten Hag, Manchester United waxa ka maqan dersin ciyaartooyo ah oo dhaawac ah sida Casemiro, Mason Mount, Christian Eriksen iyo Lisandro Martinez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*