Waa Maxay Sababta Arsenal Ay Usii Waddo Xeeladda Daahinta Laadka Koorneyaasha Oo Cabashooyin Laga Muujiyey?


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa siiw adda inay isticmaasho taatikada ama xeeladda daahinta koorneyaasha marka la laadayo, taas oo ay hore cabasho uga muujiyeen kooxaha horyaalka Premier League balse mar kale ay Gunners isticmaashay ciyaartii Brentford.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu dhawr jeer samaysay xeeladda habsaaminta waqtiga la laadayo koorneyaasha intii ay socotay ciyaartii Sabtidii ay guusha waqtiga dambe ah kasoo gaadheen Brentford oo ay ku booqdeen Gtech Community Stadium.

Ciyaartoyga kubadda soo laadaya ayaa iska sii taagnaanayay iyadoo garsooruhu uu amray inuu soo laado koornaha, sidoo kalena ay ciyaartoyda labada kooxoodba u diyaar-garoobeen oo ay boosas qaadanayaan.

Khubarada ciyaaraha ayaa xeeladda noocan ah ku tilmaamay in ay fursad u tahay kooxda koornaha lagu laadayo oo ciyaartoydeedu ay helayaan fursad ay isku habeeyaan oo ay ku raacaan ciyaartoyda kasoo horjeedda.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaase iseydiinaya sababta ay Arsenal mar kale u samaysay arrintan oo bishii September uu Garvy Neville oo daawanayay ciyaartii Arsenal iyo Everton uu tooshka ku iftiimiyey, kuna eedeeyey Arsenal inay kubadda daahinayaan marka ay koornala laadanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa la sheegay in ay u aragto in ay arrintani faa’iido u leedahay, isla markaana difaacyahannadu khalkhalaan marka ay sugayaan kubadda, taasina fursad u siiso ciyaartoydeeda inay ka baxsadaan difaacyahannadii xidhayay.

Brentford oo ah koox ku wanaagsan kubbadaha madaxa ah iyo Arsenal oo ay ku yar yihiin ciyaartoyda madaxa dhalin karaya, ayaa waxa la sheegay in ay ahayd xeelad ay ku khalkhalinayeen difaaca Brentford, si ay fursad uga dhax helaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*