Saxeexa Mbappe, Joogista Modric, Imaatinka Alphonso Davies Iyo AFAR Shuruudood Oo Uu Zidane Ku Xidhay Inuu Kusoo Laabto Real Madrid


Zinedine Zidane ayaa hoggaaminaya liiska tababareyaasha waaweyn ee la filayo inay la wareegaan Real Madrid marka uu ka tago Carlo Ancelotti dhamaadka xilli-ciyaareedkan oo uu qandaraaskiisu ku egyahay, laakiin Zidane oo hore guulo waaweyn ugu hoggaamiyey Los Blancos oo uu tababare iyo ciyaartoyba usoo noqday ayaa ku xidhay afar shuruudood oo adag.

Heshiiska ay Real Madrid kula jirto Carlo Ancelotti ayaa ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda, waxaana la filayaa inuu ka tago oo uu tababare u noqdo xulka qaranka Brazil.

Zinedine Zidane oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2021, ayaa waxa la filayaa inuu kusoo laabto Santiago Bernabeu oo uu mar kale hoggaamiyo, iyadoo la xasuusan yahay inuu u qaaday saddex Champions League oo xidhiidh ah, laba horyaal iyo koobab kale oo maxalli ah muddo kooban oo uu tababare u ahaa.

Laakiin sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa Spain, Zinedine Zidane ayaa ku xidhay kooxdiisa hore afar shuruudood oo uu doonayo in loo fuliyo, si uu markii saddexaad ugu soo laabto Madrid oo uu tababare ugu noqdo.

Shuruudda koowaad ayaa ah, in kooxdu ay la saxeexato weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, si uu u hoggaamiyo weerarka oo uu u buuxiyo booskii uu banneeyey Karim Benzema, kaas oo horeba ay Real Madrid u doonaysay inay si xor ah ugala soo wareegto PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Shuruudda labaad ee uu Zinedine Zidane ku xidhay Real Madrid ayaa ah in ay kooxdu la saxeexato difaac bidix oo tayadiisu sarrayso, waxaana uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay Alphonso Davies oo Bayern Munich u ciyaara, kaas oo isaguna hore ugu jiray liiska ciyaartoyda ay diiraddu u saaran tahay Los Blancos.

Davies oo qandaraaskiisa Munich uu ku egyahay June 2025, ayaa waxa uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdaas, waxaana uu doonayaa in la iibiyo xagaaga soo socda.

Shuruudda afraad ee uu Zidane ku xidhay kooxdiisa hore, ayaa lagu sheegay inuu doonayo in kooxda ay sii joogaan ruug-caddaayada khadka dhexe ee Toni Kroos iyo Luka Modric oo ahaa mishiinnadii u suurtogeliyey guulihii uu gaadhay waqtigii uu joogay Madrid, laakiin shuruuddan ayaa loo arkaa inay adag tahay sababtoo ah Luka Modric ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu ka tago Santiago Bernabeu, halka Toni Kroos uu ka fikirayo inuu ciyaaraha ka fadhiisto.

Arrinta afraad ee uu Zidane dalbaday ayaa ah, in Florentino Perez uu u damaanad qaado in aan laga eryi doonin kooxda oo uu muddo dheer joogi doono, si ka duwan waqtiyadii hore oo cadaadis badan oo la saaray ay ku kallifeen inuu is-casilo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*