Ma Rumaysan Kartida!! Magacyada Toddobada Kooxood Ee Premier League Ee Kasoo Horjoogsaday Sharciga Cusub Ee Amaahda


Toddoba kooxood oo Premier League ah ayaa kasoo horjeedsaday oo ka codeeyey sharcigii maanta la meel-mariyey ee u ogolaanayay naadiyada in bisha January ay amaaho kaga soo qaataan naadiyada kale ee ay isku mulkiileyaasha yihiin ayaa lasoo bandhigay.

20ka kooxood ee Premier League ayaa shir ay Salaasadii maanta ku yeesheen magaalada London, waxay ku ansixiyeen oo ay ugu codeeyeen in koox kasta ay ciyaartooyo kasoo amaahan karto naadiyada kale ee ay isku mulkiileyaasha yihiin.

Sharcigan ayaa fasaxaya, in Newcastle oo ay iska leedahay shirkadda PIF ee Sucuudigu ay ciyaartooyo badan sida Ronaldo, Mane, Mahrez iyo kuwo kale ay kasoo qaadan karto kooxaha Al-Ittihad, Al-Hilal, Al-Nassr iyo Al-Ahli.

13 kooxood ayaa meel-mariyey sharcigan, waxaana kasoo horjeedsaday toddoba kooxood oo magacyadoodu bannaanka yimaaddeen, halka sidoo kalena lasoo bandhigay naadiyada taageeray.

Laakiin arrinta layaabka leh ayaa waxa ay tahay in kooxaha Newcastle United iyo Manchester City oo ay mulkiileyaashoodu leeyihiin naadiyo kale oo ay ciyaartooyo amaah kaga soo qaadan karayaan, in ay haddaa kasoo horjeedsadeen ansixinta sharcigigan.

Sida uu qoray wargeyska The Times, toddobada kooxood ee Newcastle United, Sheffield United, Manchester City, Chelsea, Everton, Wolves iyo Nottingham Forest ayaa dhamaantood kasoo horjeedsaday sharcigan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*