Xiddig Muhiim Ah Oo Barcelona Ka Maqnaanaya Ciyaarta Rayo Vallecano Ee Sabtida


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waxa ruxay dhaawacii soo gaadhay Gavi oo muddo sagaal bilood ah garoomada ka maqnaan doona kaddib markii uu jilibka kaga jabay ciyaartii Spain iyo Georgia, balse kalidii ma aha, waxaana kooxda ka maqnaan doona ciyaartoy kale oo muhiim ah maalinta Sabtida oo ay la ciyaari doonaan Rayo Vallecano.

Dhaawaca Gavi oo walwal ku haya Barcelona, ayaa waxay haddana ku war heshay in uu jiro ciyaartoy kale oo muhiim ah oo aan awoodi doonin inuu qayb ka noqdo kulanka ay safarka ugu tegayaan Rayo Vallecano.

Goolhayaha reer Germany ee Marc-Andre Ter Stegen ayaa la sheegay i;n uu dhaawacan yahay oo aanu wali tababarka kooxdiisa kusoo noqonin, tan iyo markii laga saaray liiska xulka qaranka dalkiisa ee kulamadii usbuucan sababo la xidhiidha xanuun uu ka dareemay dhabarka.

31 jirkan ayay warbaahinta waddanka Spain kusoo warramaysaa in ay Barcelona Khamiista shaacin doonto xogtiisa rasmiga ah, balse ay aad u yar tahay fursadda uu qayb kaga noqon karayo kulanka Rayo Vallecano, taas oo ay dhacdo keeni doonta in Inaki Pena uu helo fursad uu ugu soo bilowdo kooxda.

In Ter Stegen uu ka maqnaado kulanka Rayo, waxa ay dhibaato weyn ku tahay Barcelona iyo tababare Xavi Hernandez, sababtoo ah badbaadadiisa, niyad-dhiska ciyaartoyda iyo dhismaha kubadda ayaa uu la garab taagan yahay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*