Cristiano Ronaldo, Sadio Mane Iyo 12ka Ciyaartoy Ee Ay Newcastle La Saxeexan Karayso Kaddib Go’aankii Premier League Ee Maanta


Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo noqon karaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League bisha January ee usbuucyada kooban ka hadhsan yihiin, waxaana lala xidhiidhinayaa Newcastle United kaddib markii maanta ay kooxaha horyaalka Premier League meel-mariyeen sharci ogolaanaya in koox walba ay amaah kaga soo qaadan karto ciyaartoyda ay isku shirkadda ama mulkiilaha yihiin marka uu furmo suuqa January.

20 kooxood ee Premier League ayaa 13 ka mid ah ay codka u qaadeen in la ogolaado sharcigaas, iyadoo 7 ay kasoo horjeedsadeen, balse iyadoo uu sharcigu ahaa in 14 kooxood ay codkooda ogolaanshaha u qaadaan sharcigan, ayaa waxa haddana lagu meel-mariyey 13 kooxood.

Shirkadda Saudi Public Investment ayaa waxa ay arrintani fursad usiin doontaa in ay Ruben Neves oo u ciyaara Al-Hilal amaah ugu dirto Newcastle United bisha January, si uu beddel ugu noqdo Sandro Tonali oo muddo toban bilood ah la ganaaxay.

Waxa kale oo ay Newcastle la saxeexan kartaa Cristiano Ronaldo iyo Sadio Mane oo isku koox ah, Riyad Mahrez, N’Golo Kante iyo laacibiin badan, balse waxa aan fursad noocan ah oo uu Premier League ku yimaaddo heli doonin Neymar Jr oo muddo dheer garoomada kaga maqnaanaya dhaawac.

12 ciyaartoy oo khadka dhexe ah ayay Newcastle United la saxeexan kartaa iyadoo amaah kaga soo qaadanaysa horyaalka Premier League, waana kuwan:

Al-Hilal

  • Ruben Neves
  • Sergej Milinkovic-Savic
  • Aleksandr Mitrovic

Al-Nassr

  • Seko Fofana
  • Marcelo Brozovic
  • Aymeric Laporte

Al-Ittihad

  • N’Golo Kante
  • Fabinho
  • Jota

Al-Ahly

  • Franck Kessie
  • Gabri Veiga
  • Riyad Mahrez

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*