DEG-DEG: Kooxaha Premier League Oo Ansixiyey Sharci Suuqa Ah Oo Caawinaya Newcastle United


Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ansixiyey sharci si weyn u caawinaya kooxo ay ka mid yihiin Newcastle United, Crystal Palace iyo Manchester City, kuwaas oo loo ogolaanayo inay si fudud u helaan ciyaartooyo aanay wax lacag ah kaga bixin oo ay kasoo qaataan naadiyo ay bah-wadaag yihiin.

Premier League ayay kooxihiisu goordhoweyd waxay ansixiyeen qaraar sharci oo loosoo bandhigay oo ay naadiyada qaarkood hindisihiisa soo dhigeen, kaas oo ahaa in naadiyada loo ogolaado inay ciyaartooyo qaab amaah ah kaga soo qaadan karaan kooxaha ay bah-wadaagta yihiin amaba uu hal mulkiile wada-leeyahay.

Sharcigan la ansixiyey ayaa waxa uu si ku-meelgaadh ah u ogolaanayaa in si ku-meelgaadh ah loo laalo sharciga rasmiga ah ee kooxaha u diidaya inay ciyaartooyo kasoo qaataan kooxo ay bah-wadaag yihiin.

Arrintan ayaa waxa ay farxad gelinaysaa Newcastle United oo loo fasaxay inay beddelka Sandro Tonali oo toban bilood laga ganaaxay garoomada ay kasoo qaadato horyaalka Sucuudiga, waxaanay u doonayaan Ruben Neves oo ka ciyaara horyaalka Sucuudiga.

14 ka mid ah kooxaha horyaalka Premier League ayaa ogolaaday sharcigan, waxaana hadda ay Newcastle fasax u tahay in bisha January ay Al-Hilal amaah kaga soo qaadato Ruben Neves maadaama labada kooxoodba ay leedahay shirkadda PIF ee Sucuudiga u qaabbilsan maalgelinta.

Ciyaartoyda u dheesha kooxaha Al-Ahli, Al-Hilal, Al-Ittihad iyo Al-Nassr oo dhamaantood ah naadiyo ay leedahay shirkadda PIF, ayaa iyaguna tegi karaya Newcastle United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*