DEG-DEG: Raphael Varane Oo Ka Tegay Manchester United Iyo Kooxda Uu Kusii Jeedo


Xiddiga reer France ee Raphael Varane ayaa ka tegi doona Manchester United, laakiin ma noqon doonto dhamaadka xilli-ciyaareedkan, iyadoo ay saxaafaddu ogaatay meesha uu kusii jeedo.

Varane oo kursiga kaydka uga dhacay Manchester United, ayaa waxa uu doonayaa inuu ka baxo Red Devils suuqa bisha January ee foodda innagu soo haya, waxaana go’aankan gaadhay laacibkan oo u arka in uu ku dheer yahay xilli-ciyaareedku in uu sii joogo Old Trafford.

Manchester United oo ay ka dhaawacan yihiin ciyaartooyo muhiim ah, ayaa waxa la sheegay in Erik ten Hag aanu wax kalsooni ah ku qabin Varane oo uu ka doorbidayo in Maguire, Lisandro Martinez, Victor Lindelof iyo Jonny Evans ay ka horreeyaan xulashada.

Wargeyska The Sun oo soo xiganayay ilo-wareedyo u gaar ah ayaa waxa uu sheegay, in Varane uu doonayao inuu ka tago Manchester United oo uu ka dego horyaalka Sucuudi Carabiya ama Talyaaniga, laakiin koox cayiman lama sheegin.

Warka ayaa intaa ku daray, in Erik ten Hag iyo Varane aanay isku fiicnayn oo uu u dhexeeyo khilaaf, waxaana uu difaaca reer France ka cadhaysan yahay in Harry Maguire laga soorreysiiyo xulashada.

Sannadkii 2021 ayay Manchester United kasoo iibsatay Varane kooxda reer Spain ee Real Madrid, waxaana ay bandhig heer-sare ahaa wada-sameeyeen xilli-ciyaareedkii hore Lisandro Martinez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*