SADDEX Ciyaartoy Oo Laga Saaray Liiska Xiddigaha Liverpool Ee Kulanka Tottenham Ee Maanta


Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka adag ee maanta ee Tottenham ay martida ugu noqonayaan magaalada London, kaddib markii uu 24 jirkani kasoo kabtay dhaawac soo gaadhay 3dii September oo uu kaga baxay ciyaartii Aston Villa.

Inkasta oo uu soo laabtay Trent Alexander-Arnold, waxay u badan tahay in aanu kusoo bilaaban doonin oo aan wax khatar ah la gelin doonin, balse xaaladdiisu waxay ku xidhan tahay sida uu dareemo Joe Gomez oo la sheegay in isaguna uu qabo jugo oo ka maqnaa kulankii Leicester City.
Tjiago Alcantara ayaa dib ugu laabtay dhaawac uu kasoo kabtay, diyaarna uma aha kulanka galabta ee Tottenham, waxaana 18 jirkan la sheegay in uu laba usbuuc ka maqnaan doono garoomada.
Conor Bradley ayaa ah ciyaartoyga saddexaad ee dhaawaca ah, balse Jurgen Klopp ayaa kusoo geli doono ciyaartooyo firfircoon maadaama uu nasiyey inta badan ciyaartoydiisa kulankii Leicester City.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Tottenham oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian.

Difaacyahanno: Trent Alexander-Arnold, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk, Joel Matip, Andy Robertson, Kostas Tsimikas, Jarell Quansah.

Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Curtis Jones, Wataru Endo, Ryan Gravenberch.

Weerarka: Mohamed Salah, Diogo Jota, Cody Gakpo, Luis Diaz, Darwin Nunez, Ben Doak.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*