LIX Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqnaanaya Arsenal Kulanka Bournemouth


Lix ciyaartoy oo muhiim ah oo ay ku jiraan Bukayo Saka iyo Declan Rice ayaa ka maqan Arsenal kulanka adag ee Bournemouth iyadoo ay dhaawacyo kala daadiyeen qorshihii tababare Mikel Arteta ee ku aaddanaa halganka ay kooxdiisu ugu jirto inay ku tartanto horyaalka Premier League.

Gunners oo barbarro la gashay Tottenham toddobaadkan, ayaa waxay Sabtida u tegaysaa Bournemouth, waxaanay u dagaallami doonaan sidii ay ugu soo laaban lahaayeen jidka guusha.

Tiro ciyaartooyo ah ayaa difaaca, khadka dhexe iyo weerarka intaba dhaawacyo kaga maqan ciyaartan usbuucan, iyadoo sidoo kalena ay ugu xigayso Champions League oo uu kasii fikirayo Mikel Arteta.

Ciyaartii Carabao Cup ee Brentford ee ay guusha cidhiidhiga ah soo hooyeen, waxa Arsenal ka maqnaa Bukayo Saka iyo William Saliba, iyadoo horena ay usii maqnaayeen ciyaartooyo kale.

Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa la weydiiyey xogta dhaawacyada ciyaartoydiisa, waxaanu ku jawaabay: “Declan Rice ma aanu tababarkan wali, waxaana jiri doona warar kale oo badan oo kasoo kordhi doona. Gabriel Martienlli isaguna tababarka ma qaadan, waxaana sidaas oo kale ah Trossard iyo Bukayo Saka.

“Dhamaantood waxay ku jiraan xaalad isku mid ah (dhaawac), William Saliba waxa soo gaadhay dhaawac, Fabio Vieira isaguna ma joogjin (tababarka), markaa, maanta ayaanu xaaladdooda qiimaynaynaa.”

Declan Rice ayaa uu dhaawac dhabarka ah kasoo gaadhay kulankii Tottenham ee Axaddii, waxaana sidoo kale dhaawac ah Thomas Partey oo ahaa laacibkii buuxin lahaa booskiisa, hase yeeshee mushkiladda dhaawaca Gunners waxa uga sii daraya Bukayo Saka, Gabriel Martienlli iyo Lisandro Trossard.

Gabriel Jesis iyo Eddie Nketiah ayaa la filayaa in ay kusoo bilowdaan weerarka kulanka Bournemouth, iyadoo kabtan Odegaard uu khadka dhexe ka caawin doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*