Reece James Oo Usoo Laabanaya Chelsea Kulanka Arsenal Iyo Ganaaxa FA-ga Ee Sugaya


Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Reece James ayaa shaaciyey in uu dib ugu soo laabanayo tababarka kooxdiisa dhowaan, isla markaana uu kasoo kabanayo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Liverpool ee furitaanka horyaalka Premier League.

Reece James ayaa hore loo sheegay in uu maqnaan doono illaa sannadka cusub oo uu tababarka fudud bilaabi doono badhtamaha bisha October, kaddibna uu illaa November wadi doono in uu soo kabto oo uu dib u dhiso muruqyadiisa ka hor inta aanu bisha December isku diyaarin in uu kooxdiisa u safto.

Laakiin laacibkan ayaa mar horeba kusoo laabatay tababarka fudud oo usoo dhow in uu soo laabto, waxaana ay kooxdiisu sugaysaa in toddobaad kaddib ay kusoo dhoweeyaan garoonka Stamford Bridge isaga oo taam ah.

23 jirkan ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu tababarka la qaato kooxdiisa ka hor ciyaarta Bunley ee October 7, kaddibna uu si buuxda diyaar ugu noqdo kulanka Arsenal ee October 21 ee marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah.

Blues oo usbuucyada soo socda geli doona jadwal adag iyo kulamo waaweyn oo iskugu xigi doona, sida Tottenham, Manchester City, Newcastle, Brighton iyo Manchester United oo dhamaantood isku xigaya, ayaa uu farxad u yahay warka soo laabashada Reece James.

Laakiin hal caqabad oo kale ayaa ay Chelsea gelaysaa, waana in laacibkan lagu ridayo ganaax kaddib markii uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu shaaciyey in uu garsoore aflagaaddeeyey kaddib ciyaartii Axaddii ee Aston Villa.

Reece James ayaa tuunalka ama gudaha garoonka ee qolka labbiska agteeda kaga hor yimid garsoore Jarred Gillett oo uu si badheedh ah u caayay, waxaana la filayaa in lagu rido ganaax uu muddo u maqnaado kaddib marka uu kasoo laabto dhaawaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*